4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
Ardayda Jaamacadda SIMAD oo ulo u Qaybiyay dadka indhaha la’ ee Muqdisho ku Nool (Sawirro)


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — Boqol ruux oo ka mid ah dadka aragga la’ ee Muqdisho ku nool ayaa shalay maamulka iyo ardayda Jaamacadda SIMAD waxay u qaybiyeen ulaha loogu talo-galay inay dadkaas ku socdaan.

Ardayda iyo maamulka Jaamacadda SIMAD ayaa waxay u qorsheeyeen inay sannad walba bishaan oo kale ay sameeyaan barnaamijyo ay bulshada ku caawinayaan, gaar ahaan kuwa naafada ah, iyadoo dadkan 100 qof gaaraya ee maanta loo qaybiyaya ulaha lagu socdo ayaa waxay ku nool yihiin xaafadda Buulo-xuubey ee degmada Wadajir.

Qaar ka mid ah ardayda ayaa ka hadlay waxyaabaha ku dhaliyay in ay is-xil-qaamaan oo ay u soo baxaan inay dadkaas u Qaybiyaan ulo ay ku socdaan; iyagoo Sheegay inay horay u sii qorsheeyeen inay mashruucan ka fuliyaan Muqdisho.

“Maantan waxaa la yiraahdaa Public Service Day; waxaan ugu talo-galnay in aan ka dhigno maalin aan bulshada dan-yarta ah u adeegno, sanadkii hore 2014-kii maanta oo kale waxaan nadiifinay waddooyinka Muqdisho qaarkood oo aan qashinka ka qaadnay; maanta dadka aragga la’ ayaan caawinaynaa waanan sii wadi doonaa howshan,” ayuu yiri mid ka mid ah ardayda.

Sidoo kale, ardayda ayaa ugu baaqay dhallinyarada jaamacadaha dalka wax ka barta inay iyaguna fuliyaan howlo lagu caawinayo dadka dan-yarta ah ee u baahan in la caawiyo, gaar ahaan kuwa naafada ah.

“Waxaan ugu baaqaynaa ardayda nala midka ah ee Jaamadaha dalka dhigta inay caawiyaan walaalahood dhibaateysan, gaar ahaan dadka aanu lixaadkoodu u dhameyn,” ayuu sheegay arday kale oo saxaafadda la hadlay.

Dadka aragga naafada ka ah ee loo qaybiyay ulaha ayaa waxay iyaguna ka mahadceliyeen bahda SIMAD oo ay ku amaaneen doorkeeda caawinta dadka dan-yarta ah, waxayna ugu baaqeen inta kale inay ku daydaan.

Qof ka mid ah dadka la caawiyay ayaa yiri. “Waan u mahad-celinaynaa Maamulka iyo Ardayda SIMAD; runtii waxaan dhihi karnaa door aad u weyn ayay qaateen, waxayna noqonayaan Jaamacaddii ugu horreysay oo na soo gaarsiisa caawinaad noocan oo kale ah.”

Jaamacadda SIMAD ayaa sidoo kale ballan-qaadday inay waxbarasho lacag la’aan ah siinayso ardayda dhameysay dugsiyada sare ee ay dhaleen dad indhaha la’a ee ay maanta siiyeen ulaha, sida uu sheegay agaasimaha xiriirka guud  ee Jaamacadda SIMAD, C/kariin Maxyadiin Axmed.

“Howshan aanu maanta qabanay waxaa hormuud ka ahaa ardayda Jaamacadda wax-ka-barta; waxaana u ballan-qaadeynaa waalidiinta aragga naafada ka ah haddii ay jiraan caruur ay dhaleen oo dugsiga sare kasoo qalin-jabiyay inaan waxbarasho lacag la’aanah siinno,” ayu yiri C/kariin Muxyadiin.

Ugu dambeyn, Jaamacadda SIMAD ayaa ka mid ah Jaamacadaha dalka ee waxbarashada ka sokow, bixiya adeegyo waxtar u leh bulshada qaybaheeda kala duwan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya