4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
Hay'adda FAO oo Maanta sheegtay in Soomaaliya ay Sanadkii hore Dhoofisay Malaayiin Xoolo ah


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — Hay’adda Cunnada iyo Beeraha ee Caalamka FAO ayaa warbixin ay soo saartay maanta ku sheegtey in sanadkii hore ee 2014-ka uu Somalia u ahaa sanad muhiim ah marka la eego dhoofinta xoolaha.

FAO ayaa sheegtey in sannadkii 2014-ka ay Somalia dibadda u dhoofisay 5–milyan oo neef oo xoolo, iyadoo Rudi van Asken oo ka tirsan madaxda hay’adda FAO ayaa ku tilmaamay guul weyn oo u soo hoyatay Somalia.

Sidoo kale, hay’adda FAO ayaa sheegtay in xoolahan loo dhoofiyay waddamada Khaliijka Carabta, waxaana is-bedel weyn laga dareemay xoolaha ayay ku tiri FAO warbixinteeda; kaddib markii si wanaagsan loo daaweeyay xoolaha Somalia.

Hay’adda ayaa warbixinteeda ku dartay inay Somalia horay uga howl-gelisay barnaamij lagu diiwaan-gelinayo dhoofinta xoolaha Somalia kaasoo loogu magacdaray FSNAU Food Security and Nutrition Analysis Unit, iyadoo lagu diiwaan-geliyay barnaamijkaas xoolo dhan 4.6 neef oo isugu jira Orgi iyo Wanan, 340,000 kun oo dibi ah iyo 770,000 oo geel ah.

Xoolaha nool ee Somalia ayaa ah udub dhexaadka u ah dhaqaalaha Somalia, waxaana 40% ay ka mid yihiin, dakhliga Qof kasta oo Somali ah soo gala. Iyadoo hay'adda FAO ay intaas ku dartay inuu kor u kacay qiimaha lagu iibiyo xoolaha Soomaaliya, taasoo abuurtay rajo cusub.

Ugu dambeyn, haya’ddu waxay sheegtay in xoolaha Soomaaliya ay dibada u dhoofiso, laga dhoofiyo dekedaha waaweyn ee Berbera, tan Boosaaso iyo midda Muqdisho oo ah tan ugu weyn dekedaha Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya