4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
Jaamacadda City oo Adeegyadeeda Waxbarasho u soo Bandhigtay Ardayda Dugsiyada Sare (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — Jaamacadda City University ayaa maanta xarunteeda Muqdisho ku casuuntay ardayda kasoo baxaysa dugsiyada sare ee dalka, si ay u arkaan agabka tacliinta iyo adeegyada waxbarasho ee loo diyaariyay, iyadoo booqashada ardayda ay ku yimaadeen Jaamacadda ay daba socoto xulashada taqasusaadyada ay ka heli karaan Jaamacadda.

Bilihii lasoo dhaafay ayay Jaamacadda City waday tallooyin lagu siinayo ardayda kasoo baxaya dugsiyada sare sidii ay u dooran lahaayeen kuliyadaha kala duwan ee jaamacadda, isla markaana ay ula jaan-qaadi lahaayeen wax-barashada casriga ee caalamka ka jirta.

Ugu yaraan 350-arday oo ka socotay dugsiga sare ee Mass too oo maanta booqday xarunta Jaamacadda ee magaalada Muqdisho ayaa waxaa soo dhaweeyay madaxda, macalimiinta iyo shaqaalaha Jaamacadda City.

Ardaydan ayaa booqday dhamaan qaybaha kala duwan ee Jaamacadda City, goobaha loo diyaariyay baraatikada iyo laab-saynis iyo kumbuyuutaro aad u tayeysan, iyadoo ay haga-yeen tobbonaan ka tirsan ardayda Jaamaccadda oo loosoo carbiyay soo dhaweynta iyo qaabilaadaha martida.

Sidoo kale, waxay macallimiinta iyo madaxda Jamaacadda kala hadleen, kulana taliyeen sida ay u dooran lahaayeen taqasusyada ruux waliba uu ku haboon yahay marka la eego awoodaha iyo rabitaanka ardayga xilliga lagu jiro marxaladda aasaasiga ah.

Ku-xigeenka madaxa Jaamacadda City, Inj. C/kariin Xasan Jaamac oo hadal jeediyay ayaa ballan-qaaday in ardayda kasoo baxaysa Dugsiyada Sare ee dalka sannad dugsiyeedkan 2015-2016 ay u diyaariyeen adeeg waxbarasho oo aad u sarreya oo ka kooban macallimiin taqasusyo sare iyo qibradba u leh maadooyinka ay bixinyaan, adeeg tiknolojiyadda casri ah, adeegyada baraatikada iyo manhaj tayeysan.

Waxaa kaloo loo ballan-qaaday ardayda in ardaygii kaalimaha 1-aad ka gala imtaxaannada kama dambeysata ah in la siin doon deeq waxbarasho oo afar sano oo lacag la’aan ah, waxa intaa dheer in ardayda ku baasa imtixaanka qabuulka ee ay Jaamacaddu qaadayso darajada ‘A’ ka gala ay iyaguana heli doonaan deeq-waxbarasho.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya