4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
Howlgallo dad badan lagu qabqabtay oo laga sameeyay Deegaanka Ceelasha Biyaha (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — Ciidamada dowladda Somalia iyo kuwa AMISOM ayaa howlgallo lagu xaqiijinayay Amniga xalay saqdii dhexe ka sameeyay deegaanka Ceelasha Biyaha ee duleedka Muqdisho, kaasoo illaa saakay waaberigii socday.

Howlgalladan ayaa waxaa si wadajir u fulinayay ciidamada Somalia iyo kuwa AMISOM, iyagoo baarayay guryaha deegaankaas ku yaalla, halkaas oo ay kala soo baxayeen dhallin-yarada ay ka shakiyaan.

Ugu yaraan 207-qof ayaa howlgalkan lagu qabqabtay kuwaasoo barxad ku taalla Ceelasha Biyaha la isugu geeyay, halkaasoo lagu kala saaray, sida saraakiishii hoggaaminayay howl-galkan ay u sheegeen warbaahinta.

Afhayeenka Wasaaradda Amniga ayaa sheegay in howlgalkan uu ahaa mid ay ku baadi-goobayeen saraakiil ka tirsan Al-shabaab oo uu sheeggay inay ku dhuumanayeen deegaanka Ceelasha Biyaha.

“Waxaa howlgalkan ka qaybqaatay ciidamada dowladda Somalia sida booliiska iyo nabad-sugidda iyo ciidamada AMISOM, wuxuuna ahaa mid saraakiil goobahaas ku dhuumaaley-sanayay lagu baadi-goobayay. Dad badan ayaa lasoo qabqbatay kuwaasoo qaarkood la sii daayay markii la aqoonsaday, kuwa laga shakisan yahayna baaris dheeraad ah ayaa lagu sameyn doonaan,” ayuu afhayeenka wasaaradda amniga.

Ugu dambeyn, howlgalkan ayaa ahaa kii ugu ballaarnaa oo laga sameeyo Ceelasha Biyaha tan iyo intii ay shacabku ay dib ugu laabteen; waxaana dadka deegaanku ay sheegeen inay saameyn ku yeesheen howlgallada.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya