4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
Ra'iisul Wasaare ku-xigeenka Dowladda Somalia oo Maanta dib ugu soo laabtay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeenka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa maanta dalka dib ugu soo laabtay, kaddib markii uu kasoo bogsaday dhaawac kasoo gaaray falkii Al-shabaab ay ka geysteen Hotel Central 20-kii bishii Feberaayo sannadkan, waxana kusoo dhaweeyay garoonka diyaaradaha Muqdisho xubno ka tirsan labada gole ee dowladda Somalia.

Soo dhaweynta kaddib, Maxamed Cumar Carte ayaa kulan soo dhaweyn ah la qaatay qaar ka mid shaqaalaha xafiiska ra’iisul wasaaraha. Waxaana halkaas ka hadlay wasiir-u-dowlaha xafiiska RW; C/raxmaan Kulmiye Xirsi oo sheegay inay aad ugu faraxsan yihiin inay soo dhaweeyaan ra'iisul wasaare xigeenka oo muddo laba bilood ah arrimo caafimaad ugu maqnaa dalka Turkiga.

Mudane Carte ayaa mahad-celin kaddib, xusay xilli walba inuu u taagan yahay dhismaha Qaran Soomaaliyeed, mar walbana ay dhibaatooyin noocan oo kala ah dhici karaan marka lagu jiro dhismaha dowladnimada.

“Waxaan maanta idin ogeysiinayaa inaan dalkaygii hooyo oo aan in muddo ka maqnaan aan dib ugu soo laabtay. Waxaanan u mahad-celinayaa ilaahay oo caafimaad i siiyay, dibna iigu soo celiyay dalkii hooyo aniga oo caafimaad qaba,” ayuu yiri RW ku xigeenka.

Ugu dambeyn, Maxamed Cumar Carte wuxuu shacabka Soomaaliyeed uga mahad-celiyey sidii ay ula soo xiriir jireen mar kasta intii uu caafimaadka ku maqaa si ay wax uga ogadaan xaladdiisa caafimaad, waxaana uu sheegayaa in buu yiri inay xaaladdeyda caafimaad tahay mid wanaagsan, laga bilaabo maantana aan shaqadii billaaban doono.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya