4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
SAYLICI: Dadku wuu kala Duwanaan karaa Laakiin Reer Awdal Waa Reer Somaliland (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — Madaxweyne ku xigeenka Somaliland, Cabdiraxmaan C/llaahi Ismaaciil Saylici ayaa maanta si diiran loogu soo dhoweeyey madaarka caalamiga ah ee Cigaal International ee magaaladda Hargeysa ka dib markii uu safar kaga maqnaa Maraykanka iyo Canadda.

Madaxweyne ku xigeenka waxa maanta madaarka ku soo dhoweeyey Raxan wasiiro ah, xildhibaanno, masuuliyiinta xukuumadda, hogaanka xisbiga taladda haya ee kulmiye, haween, dhalinyaro iyo dadweyne kale, kuwaas oo sawirkiiisa ka taagnay agagaarka wadadda madaarka taga.

C/raxmaan Saylici ayaa markii uu soo degay qolka nasashadda kula hadlay warbaahinta ayaa sheegay inuu safarkiisu ku qotomay sidii uu kulamo ula soo yeelan lahaa jaaliyadaha ku dhaqan waqooyiga Ameerika, isla markaana xaaladda wadanku marayo iyo waxa jira loogu soo warami lahaa.

Ugu horreyn waxaa ujeeddada safarkan ka warbixiyey wasiir-u-dowlaha wax-barashada Somaliland, Axmed Nuur Faahiye oo ku jiray weftiga uu madaxweyne ku xigeenku hogaaminayey, waxaanu yidhi “Halkan Waxaanu Ka baxanay 25 Bishii Hore waxaana aanu tagnay waqooyiga America  Waxana  aanu Sidoo Kale tagnay magaalada Washingtong,  halkaas oo aanu Kula Kulanay Jaaliyada reer Somaliland ee degan magaaladaas, Sidoo Kale waxaanu uga gudubnay maagalada Minneapolis oo iyana aanu kula kulanay Jaaliyada reer Somaliland ee magaaladasi,  Madaxweynaha Iyo waftigiisu Waxay  la kulmeen Sanatarada Dalka Mareykanka Qaar Ka Mid Ah”.

Intaas ka dibna waxa isaguna halkaasi ka hadlay madaxweyne ku xigeenka Somaliland C/raxmaan C/laahi Saylici, waxaanu u mahadnaqay dadweynihii soo dhoweeyey.

 “Aad iyo aad baan uga mahad-naqayaa sida sharafta leh ee aad noogu soo dhaweyseen dhulkii hooyo Ilaahay Baana Mahad Leh In Aanu Ku Soo Nabad Noqonay Dalkii oo aan ka maqneyn muddo Bil Iyo afar  cisho Ah “ayuu yidhi Saylici, waxaanu intaas ku daray “Sidaa La Sheegay waxaanu safar ku Tagnay Waqooyiga America oo ah dalka Mareykanka Iyo Canada, U Jeedada Ugu Weynina Waxaa ay ahayd in aanu soo xog waraysanno Jaaliyadda Reer Somaliland Dalkana aanu Uga Warano runtiina waxaanu Isku Deynay In aanu Gaadhno Magaalooyinka Jaaliyadaha ugu badan ee reer Somaliland ay Degan Yahiin Markaas Mareykanka Waxaanu Ka Marnay afarta magaalo ee aanu Is Laheyn Waa kuwa Jaaliyadaha Ugu Badani Ay Degan Yihiin  Dhamaan Magaalooyinkaas Waxaa aanu Kala Kulanay Jaaliyado aad Iyo  aad U Qiimo Badan Oo Muwaadiniin Ah Oo Si Sharaf , si wadaniyaddi ku jirta noo soo dhoweeyey, ka dibna waxaanu u gudubnay dalka Canadda oo aanu soo marnay magaalooyinka ee jaaliyadeenu ku badan tahay”.

Mar uu ka hadlayey jaaliyadda reer Awdal ee uu waqooyiga Ameeriga   oo inta badan loo aaneeyo inay taageeraan  Jabhadda Suldaan Wabar ee hore ugu dhowaaqay inay Somaliland dagaal la galayaan waxa uu yidhi“ Horta dad aad u faro badan maaha, dad qiimo weyn iyo muhiimad la siiyana maaha ee waa inyar oo maynoorati ah (inta Somaliland ka soo horjeedda), intii aanu is gaadhnay way ku qanceen wixii aanu u sheegnay. Waxaanu u sheegnay inaan qaranimada Somaliland cidi ka lahayn oo shalay Madaxweyne ka ahaayeen, maanta ay joogaan, dorraadna joogeen. Markaa dadku wuu kala duwanaan karaa Laakiin boqolkiiba sagaashan(90%) dadka reer Awdal ee dibada joogaa waa reer Somaliland” .

Mar uu ka hadlayey muddo kordhinta la hadal hayo in loo sameeyo xukuumadiisa, waxa uu yidhi“Maanan kala xuub siiban ee Beesha caalamka iyo anagu meel baanu u wada soconaa, waxaanu u wada soconaa dimuqraadiyadda inaanu kobcino, wixii talo iyo tusaale ahina qaranka ayay u wada yaalaan, sidii xeegana xeego u noqon lahayd ilkana u nabad gali lahaayeen ayaa la yeeli insha Allah”

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland