4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
AMISOM oo Saraakiil ka Tirsan Booliiska Soomaaliya Tababbar ugu soo Xirtay Muqdisho (SAWIRRO)


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — AMISOM ayaa tababar socday toddobaad u soo gab-gabeysay 20-sakaal oo ka tirsan ciidamada booliiska Soomaaliya iyo ku xigeennadooda, kuwaasoo la baray xuquuqda aadanaha, hoggaanka iyo habka maamul-wanaagga.

Intii tababarku socday waxay saraakiishan qaateen casharro la xiriira sharciyada xuquuqda aadanaha ah ee caalamka, baaristaanka dambiyada la xiriira galmada, habka maamulka xabsiyada, badbaada dadka iyo sidii ay ula xiriiri lahaayeen bulshada qaybaheeda kala duwan.

Tababarkan oo ka dhacay Muqdisho ayaa waxaa tababarayaan ka ahaa qaar ka mid ah ciidamada booliiska AMISOM, iyadoo ay maal-gelisay waaxda taageerada ammaanka ee Britain.

Saraakiisha booliiska Somalia ee tababarkan qaatay ayaa waxay sheegeen in xirfadihii ay ka kororsadeen tababarkan ay ku dabaqi doonaan howlaha ay u hayaan dadka Soomaaliyeed, gaar ahaan maamulka xabsiyada iyo sidoo kale baaritaannada dambiyada lagu soo eedeeyo shaqsiyaadka bulshada ka tirsan.

Jen. Garaad Nuur Cabdulle oo ahaa madaxa tababarka booliiska Soomaaliya oo ka hadlay tababarka ay saraakiishan qaateen ayaa sheegay in waxyaabihii ay ka barteen tababarkan inay ku dabaqi doonaan howlaha ay bulshada u hayaan.

“Dhammaan saraakiisha booliiska Soomaaliya waxay doonayaan inay helaan tababarro noocan oo kale ah, si ay ugu dabaqaan howlaha ay bulshada u hayaan,” ayuu yiri Jen. Garaad Nuur.

Sidoo kale, taliyaha booliiska AMISOM, Isidore Kirukiye ayaa rajo wanaagsan ka muujiyay in tababarkan uu wax badan ku biirin doono howlaha booliiska Somalia iyo shuruucda ay ku shaqeeyaan.

“Xiritaanka tababarkan waa muhiimad weyn inoo leh maanta; waayo saraakiisha booliiska Soomaaliya qaarkood ayaa qaatay tababarro wax ku ool ah oo ay bulshadooda ugu shaqeyn karaan. Saraakiisha booliisku waxay fure u yihiin howlaha ciidamadu qabanayaan. Waxaana rumeysanahay in tani ay qayb ka tahay horumarinta ammaanka Somalia,” ayuu yiri Kirukiye.

Saraakiishii tababarka loosoo gaba-gabeeyay ayaa la siiyay shahaadooyin ka tarjumaya tababarrada ay qaateen; iyadoo Jen. Garaad Nuur Cabdulle uu ka sheegay xiritaanka tababarka in tababarkan uu muhiimad weyn u leeyahay booliiska Soomaaliya.

Dhanka kale, Andre Grobbelaar oo ka socday waaxda amniga Britain oo isna ka hadlay xafladdii xiritaanka tababarkan ayaa sheegay in tababarkan uu ka mid yahay kuwa saldhigga u ah howlaha booliiska Somalia.

“Tababarkan waxaan ka kororsannay aqoon dheeraad ah; waana mid aan ugu shaqeyn doonno shacabkeenna. Sidoo kale tababarkan wuxuu noo kordihyay ilaalinta xuquuqda aadanaha iyo sidii ammaanka u xaqiijin lahayn,” ayuu yiri Col. Bocor Xasan Cilmi oo ka mid ahaa saraakiishii la tababaray.

Ugu dambeyn, saraakiisha booliiska AMISOM ayaa sheegay in tababarrada noocan oo kale ah ay ka fulin doonaan gobollada kale ee Somalia; iyagoo xusay in tani ay qayb ka tahay howlaha ay u joogaan Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya