4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Arbaco, Apr 29, 2015
Milateriga dalka Nigeria oo badbaadiyay Haween BOKO HARAM ugu Af-duubaan Gudaha Dalkaas


Arbaco, Abriil 29, 2015 (HOL) — Ciidamada millateriga dalka Nigeria ayaa sheegaya inay soo badbaadiyeen in kabadan 200 oo gabdhood iyo 93 dumar ah, kuwaasoo lagu haystay deegaanno ku yaalla gobollad Waqooyi-bari Nigeria.

Haweenkan kasoo badbaadshay ayaa waxaa laga helay keynta Sambisa oo la sheegayo inay tahay meesha ay ku dhuuntaan kooxda Boko Xaraam ee dagallada ka wadda dalka Nigiera iyo kuwa dariska la ah.

Sidoo kale, millateriga Nigeria ayaa sheegay inaysan xaqiijin karin in ka mid yihiin kuwan gabadhihii 200 ka badbaa ee sannadkii hore laga afduubay deegaanka Chibok, kuwaasoo dadaal badan loo galay sidii lagu soo bad-baadin, balse lagu guuleysan waayay.

Millateriga ayaa tilmaamay in la baarayo gabdhaha iyo haweenka la bad-baadiyay, iyagoo xusay inay ogaanayaan aqoonsiyadooda. Waxayna si cad u sheegayaan baaritaanka kaddib in kuwani ay ku jiraan gabdhihii iskuulleyda ahaa ee laga afduubay Chibok iyo in kale.

Ciidamada Millateriga Nigeria ayaa haatan muujinaya taxadarka dheeraad ah si aan loogu dhicin khaladaad horay looga dhacay oo kale, kuwaasoo ay ka mid yihiin in la laayay dad shacab ah oo aan waxba galabsan.

Bishii October ee sannadkii hore dowladda Nigeria ayaa ogolaatay in heshiis xabad-joojin ah ay la gasho Boko Haram si gabdhahii Chibok laga afduubay loo sii dayn lahaa, laakiin Boko Haram ayaa diidday inay heshiis la gashay xukuumaddii hore ee Nigeria.

Dhanka kale, afhayeenka ciidamada Nigeria, Col. Sani Usman Kuka-sheka ayaa warkan u xaqiijiyay warbaahinta, wuxuuna tilmaamay in sedex xero oo kooxdu ku lahayd kaymahaas ay burburiyeen.

Ugu dambeyn, dhowrkii bilood ee lasoo dhaafay ayay ciidamada dalka Nigeria waxay dib u qabsadeen deegaannadii ay Boko Xaraam ka talisay, waxaana tani ay kusoo beegmaysaa xilli dalkaas madaxweyne loogu doortay Jen. Mohammedu Buhari oo ah muslim ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya