4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
Bandhig buugeed lagu qabtay Jaamacadda Muqdisho qaybta Boosaaso [SAWIRRO]

Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) —Faraca Jaamacadda Muqdisho ku leedahay magaalada Boosaaso waxaa lagu qabtay bandhig buugeed si fiican loo soo agaasimay, waxaana iska kaashaday Jaamcadda iyo Shirkadda ScanSom oo daabacda buugta af Soomaaliga ku qoran.

Waxaa xaflada furitaanka ka hadlay Axmed Xaaji Abuukar kuna dhiiri galiyey ardayda inay wax qoraan akhriskana badiyaan, wuxuuna aad uga hadlay in aynu is barno wax akhriska dhaqana inoo noqdo.

Waxaa isaguna xaflada ka hadlay maamulaha Jaamacadda Muqdisho xarunta Bosaso Prof. Cabdullaahi Sheekh Xasan oo soo dhaweeyey shirkadda Scansom, si rasmi ahna u furay bandhig buugeedka, islamarkaana u mahadceliyey shiradda ScanSom ee bugaagta dabacday.

Sidoo kale wuxuu ardayda ku dhiiri galiyey inay buugta gataan oo ay akhristaan maadaama ay ku qorantahay afkeena hooyo kana tarjumayso dhaqankeena.

Maamulaha jaamacaddu wuxuu balan qaaday in ay shirkadan si dhow u wada shaqayn doonaan, sanadwalbana ay wada dhigi doonaan bandhig buugeed.

Ugu dambeyntii waxaa goobta ka hadlay Maxamed Sheekh Xasan oo ah maamulaha Shirkada Scansom, wuxuuna sheegay in buugta la qoray ee afkeena hooyo ku qoran ay dhan tahay 350 buug.

Munaasabadda waxaa lagu soo gaba gabeeyey, gabay uu tiriyey arday ka tirsan ardayda jaamcadda kana hadlaya afkeenu qiimaha uu leeyahay iyo sida looga tagay.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya