4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
Weerar lagu Qaaday Xafiiska Guddoomiyaha Magaalada Wajeer ee Waqooyi-bari dalka Kenya


Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Kooxo hubeysan ayaa gelinkii dambe ee maanta weerar ku qaaday xafiiska guddoomiyaha degmada Wajeer ee Gobolka Waqooyi-bari dalka Kenya, Axmed C/llaahi, iyadoo la qabtay mid ka mid ah kooxihii weeraray xafiiska guddoomiyaha Wajeer.

Kooxaha hubeysan ayaa waxay la dagaalamaeen ciidanka ilaalada xafiiska guddoomiyaha, iyadoo ciidamada ay u suuro-gashay inay fashiliyaan qorshe ay dableydu u ku doonaysay inay xafiiska ku galaan.

Sidoo kale, wararka ayaa intaas raacinaya in dableyda oo tiradooda sadex qof lagu sheegay ay laba ka mid ah baxsadeen; kaddib markii ciidamada booliiska Wajeer ay qabteen ruuxii saddexaad ee la socday.

Taliyaha ciidamada booliska Kenya, Jen. Joseph Boinet ayaa xaqiijiyay in mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday la qabtay isagoo nool, labadii kalena ay baadi-goobayaan.

“Markii ay awoodi waayeen inay ciidamada iska difaacaan ayay billaabeen inay cararaan, balse booliiska ayaa mid ka mid ah kooxihii weerarka soo qaaday gacanta ku dhigay, kuwii kalena waa lagu daba-joogaa,” ayuu ku yiri hadalkiisa Jen. Joseph Boinet.

Jen. Boinet ayaa sidoo kale sheegay inay horay u heleen xog ku saabsan ragga weerarka ku soo qaaday Wajeer, ayna booliisku baadi-goob ku hayeen balse ay soo weerareen xafiiska guddoomiyaha degmada Wajeer.

Dhanka kale, sarkaal u hadlay booliiska degmada Wajeer ayaa sheegay in ruuxa ay qabteen uu u dhashay Kenya, balse aanay garanayn labada ruux ee baxsaday oo ay isla socdeen.

Illaa hadda lama sheegin khasaaraha rasmiga ah ee weerarkan ka dhashay, iyadoo sidoo kalena aysan jirin cid sheegatay mas’uuliyadda weerarka lagu qaaday gellinkii dambe ee maanta xafiiska gudoomiyaha Wajeer.

Al-shabaab ayaa weerarro is-daba-joog ah ka geysanayay gudaha Kenya tan iyo sannadkii 2011-kii markaasoo ay Kenya ciidankeeda u dirtay dalka Somalia si ay ula dagaalamaan Al-shabaab oo ay ku eedeeyeen afduubyo iyo dilal ka dhacay Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya