4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
Gudoonka Baarlamaanka Maamulka KMG Jubba oo Maanta lagu Doortay Kismaayo (SAWIRRO)


Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Jubba ayaa maanta doortay guddoomiyaha baarlamaanka iyo labadiisa ku xigeen; kaddib kulan ay ku yeesheen xildhibaannadu xarunta caymiska ee magaalada Kismaayo.

Kulanka doorashada guddoonka baarlamaanka maamulka KMG ah Jubblanad ayaa waxaa soo xadiray 72 xildhibaano oo ka mid ah 77-ka xildhibaan ee uu baarlamaanku ka kooban yahay.

Xilka guddoomiyaha oo ay isku soo sharraxeen afar xildhibaan ayaa laba ka mid ihi waxay ka tanaasuleen murashaxnimadooda intii aysan doorashu billaabay, iyadoo ay tartameen laba xubnood, iyadoo uu ku guuleystay doorashadii guddoomiyaha baarlamaanka, Sheekh Cabdi Maxamed C/raxmaan.

Guddiga doorashada baarlamaanka Jubba ayaa waxay ku dhawaaqeen in guddoomiyaha cusub ee la doortay uu helay codadka 45-xildhibaan oo ka mid ahaa 72-kii xildhibaan ee kulanka goob-joogga ka ahaa, iyadoo saddex cod oo ka mid ah codadkii la dhiibtay ay hallaabeen.

Sidoo kale, guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka ayaa waxaa ku guuleystay, Aadan Khaliif Xaaji Yuusuf, kaddib markii uu tartan adag la galay dhowr murashax oo isku soo taagay xilka guddoomiye ku xigeenka koowaad ee baarlamaanka Jubbaland.

Waxaa isna guddoomiye ku xigeenka labaad ee baarlamaanka Jubbaland loo doortay Cabdi Baaley, inkastoo uu daneynayay inuu noqdo guddoomiyaha baarlamaanka Jubbaland.

Madaxweynaha Jubba, Sh. Axmed Madoobe oo goob-joog ka ahaa doorashada guddoonka baarlamaanka Jubbaland ayaa bogaadiyay sida ay doorashadu u dhacday, isagoo xusay inay soo dhaweynayaan mas’uuliyiinta maanta la doortay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya