4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
SAWIRRO: Banaanbaxyo iyo Rabshado Maalintii Sadexaad ka Socda Magaalada Bujumbura


Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Mudaaharaadyo ay dhigayaan kumannaan qof ayaa ka socda maalintii sadexaad magaalada Bujumbura ee caasimadda dalka Burundi, kuwaasoo ka careysan hadalkii madaxweynaha dalka Burundi Pierre Nkurunziza uu ku sheeegay inuu markii saddexaad u tartamayo xilka madaxweynenimo ee dalkaas.

Rasaas ayaa laga maqayaa qaybo ka mid ah waddooyinka Bujumbura, iyadoo ciidamada booliiska dalkaas ay gaaska dadka ka ilmeysiiya iyo rasaas ku kala eryidda dadka dibad-baxyada ka dhigaya caasimadda Burundi.

Aroornimadii hore ee Talaadada maanta ah ayaa waxaa caasimadda Burundi ka billowday dibadbaxyo waaweyn, iyadoo dadweynuhu ay gubayaan taayarro; iyagoo wata boorar ay ku qoran yihiin madaxweynuhu wuxuu doonayaa inuu jabiyo dastuurka dalka.

“Waxaan arkay laba qof oo ku dhaawacmay rasaas ay booliisku ku rideen dibadbaxayaal ku sugnaa xaafadda Cibitoke oo ka tirsan magaalada Bujumbura,” ayuu Reuters u sheegay mid ka mid ah dibadbaxayaasha.

Taliyaha booliiska dalka Burundi, André Ndayambaje ayaa isna sheegay inay laba qof ku geeriyoodeen 250-qof oo kalena la xirxiray tan iyo maalintii Axada ahayd ee lasoo dhaafay, balse warbaahinta Burundi iyo hay’adaha xuquuqda aadanaha ayaa iyagana sheegaya in lix qof ay ku dhinteen dibadbaxayada ka socda Bujumbura.

Pierre Nkurunziza ayaa shaaciyay Sabtidii lasoo dhaafay inuu mar saddexaad u tartamayo doorashada madaxnimo ee Burundi oo dhacaysa 26-ka bisha Juun ee sannadkan 2015-ka.

Xoghayaha guud ee Qaramada Midoobay, Ban Ki-Moon ayaa Burundi u soo diray ergayga gaarka ah ee dalalka harooyinka waaweyn, Said Djinnit si uu wadahadallo ugala yeesho madaxweynaha dalkaas iyo madaxda mucaaradka dalkaas sidii rabshadaha socda loo joojin lahaa.

Mucaaradka Burundi ayaa ku eedeynaya madaxweynaha waddankaas, Pierre Nkurunziza iyo xisbigiisa talada haya CNDD-FDD inay jabiyeen heshiiskii nabadeed ee Caruusha lagu kala saxiixday, kaasoo dhigayay in laba jeer uu madaxweynuhu xilka u tartami karo.

Dhanka kale, afhayeenka madaxweynaha Burundi ayaa sheegay in xilligii koowaad ee xilka uu hayay madaxweyne Pierre Nkurunziza aan la xisaabin karin, maadaama ay ahayd xilli lasoo dhisayay xildhibaannada waddankaas, kaddib markii uu dalku ka baxay rabshado muddo sannado ah socday.

“Waxaan ugu baaqayaa madaxweynaha Burundi inuu ka digtoonaado inuu mar saddexaad xilka isku sharraxo, uuna ka fogaado in dalka uu mar kale geliyo dagaallo sokeeye,” ayuu yiri hoggaamiyaha mucaaradka Burundi, Agathon Rwasa oo maanta warbaahinta la hadlay.

Ugu dambeyn, xukuumadda dalka Burundi ayaa albaabbada isugu dhufatay qaar ka mid ah warbaahinta dalkaas ka howlgasha, iyadoo la sheegayo inaan la awoodi karin in fariimaha la isugu diro aaladda ay bulshadu ku xiriirto ee loo yaqaanno WhatsApp.

Si kastaba ha ahaatee, dalka Burundi ayaa wuxuu ka mid yahay dalalka ay ciidamada ka socda Midowga Afrika ee AMISOM kaga sugan yihiin Somalia, isagoo ah dalkii labaad oo ciidammo nabad-ilaalin ah u soo dira Somalia.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya