4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
Dowladda Kenya oo lagu eedeeyay inay Cadaadis iyo Hanjabaad ku Hayso Suxufiyiinta Dalkeeda


Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Hay’adda difaacda Suxufiyiinta caalamka ee CPJ ayaa sheegtay inay suxufiyiinta dalka Kenya ay soo food-saartay khatar weyn kaga imaanayso xukuumadda Kenya, taasoo halis ku ah howlahooda saxaafadeed.

Warbixin sannadeedkeedii 2015-ka ayay hay’addu ku sheegtay in cadaadiska suxufiyiinta Kenya haysta uu ku yimid kaddib markii dowladdu ay amar ku siisay inaanay baahin karin wararka ku saabsan kooxaha argagaxisada ah sida Al-shabaab oo weerarro ka geysatay gudaha dalkaas.

Sidoo kale, suxufiyiinta Kenya ayaa walaac xooggan ka muujiyay amarka ay soo rogtay xukuumaddooda, kaasoo ay ku sheegtay in baahinta falalka kooxaha argagaxisada ah ay geystaan ay yihiin kuwo dambi ah, iyagoo xusay inay taasi ka hor-imaanayso xorriyadda saxaafadda.

“Amarka ay suxufiyiinta kusoo rogtay xukuumadda Kenya waa mid khatar ku ah, waana mid sababi kara in kooxaha argagaxisada ah ay beegsadaan,” ayay CPJ Warbixinteeda ku sheegtay.

Hay’adda CPJ waxay kaloo tilmaantay inaan la aqbali karin sharcigii ay dowladda Kenya ay soo saartay sannadkii 2014-kii - kaasoo cinwaan ay uga dhigtay ‘Awood lagu joojinayo in saxaafaddu baahiso weerarrada argagaxisida’ waxayna ku tilmaantay CPJ in sharcigaas uu xadgudub weyn ku yahay xorriyadda war-baahinta Kenya.

Dhanka kale, hay’adda difaacda suxufiyiinta calaamka ayaa waxay si adag u cambaareysay weerar uu sarkaal sare oo booliiska Kenya ka tirsan 18-kii Abriil uu ku qaaday laba wariye oo ka howlgala deegaanka Tana River ee dalka Kenya.

Wariyeyaashan oo lagu kala magacaabo; Nehemiah Okwembah oo u shaqeeya telefishinka NTV iyo Reuben Ogachi oo isna ka tirsan Telefishinka Citizen ayaa lagu weeraray meel ku dhow xarunta shirkad ka shaqeynta horumarinta beeraha Kenya oo lagu magacabo Galana.

Suxufiyiintan ayaa la sheegay inay warbixin ka sameynayeen 200 oo neef oo Lo’ ah oo ay lahaayeen dad xoolo dhaqato ah oo ay gacanta ku hayeen saraakiisha ciidamada deegaanka Tana River.

“Labadan suxufi waxay ku howlanaayeen shaqo maalmeedkooda,” ayuu yiri Tom Rhodes oo ah madaxa Bariga Afrika ee hay’adda CPJ, isagoo hadalkiisa raaciyay. “Booliiska Kenya looma ogolaan karo inay weeraran suxufiyiinta si macno-darro ah.”

Ugu dambeyn, hay’adda CPJ waxay warbixinteeda ku sheegtay in Eritrea ay tahay dalka ugu horreeya ee lagu dhibaateeyo suxufiyiinta, dalka labaadna uu yahay dalka Itoobiya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya