4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
Israa’iil oo lagu caddeeyay inay Falastiiniyiin ku laayeen Dhisme ay Qaramada Midoobay lahayd


Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Xoghayaha guud ee QM, Ban Ki-Moon ayaa sheegay inuu aad uga xumaaday inay xaqiiqo noqotay in Israa'iil ay dishay 44–qof oo Falastiiniyiin ah oo ku jiray dhisme ay leedahay Qaramada Midoobay oo ku yaalla magaalada Qaza.

Ban Ki-Moon ayaa sheegay in dhibaato la gaarsiiyay iskuullo ay Qaramada Midoobay Qaza ku lahayd, iyadoo sharciyada caalamka ay ka mid tahay in dhismayaasha ay leedahay QM aan loo dhawaan karin iyo inay yihiin goobo ammaan ah, gaar ahaan marka ay colaaduhu socdaan.

Sidoo kale, Xoghayaha guud ayaa sheegay in sannadkii hore ee 2014-kii dad magan-galyo doon ahaa oo galay dhismayaasha Qaramada Midoobay ay ku leedahay magaalada Qaza la laayay, taasoo dhaawacday rajadii iyo kalsoonidii lagu qabi karay dhismayaasha Qaramada Midoobay.

Inkastoo uu falkan ay ku kacday Israa'iil cambaareeyay, haddana wuxuu Ki-Moon xusay in uu ka xun yahay in xoogagga Falastiiniyiinta ee dagaalka kula jira ciidamada Yuhuudda ay dhismayaasha QM halis u galiyeen inay hub ku qarsadaan.

Wuxuu intaas ku daray in saddex iskuul oo ay Qaramada Midoobay Qaza ku lahayd ay hub ku qabsadeen; markaasoo uu sheegay inaysan dadku gabaad ka dhigan oo aysan cidna ku jirin.

Ugu dambeyn, warbixinta oo soo xiganaysa labo dhinaca ayaa lagu ogaaday in laga yaabo in Falastiiniyiinta ay hub kasoo rideen dhismayaasha QM, taasoo uu Ki-Moon ku Tilmaamay mid aan la aqbali karin.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya