4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
Golaha Guurtida Somaliland oo ka Tashanaya xiliga Madaxweynaha SL oo Gabo-gabo ku Dhow


Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Kal-fadhigii golaha Guurtida Somaliland ee maanta ayaa gudoomiyaha golahaas, Saleebaan Maxamuud Aadan u soo jeediyay in loo baahan yahay in laga tashaddo muddo kordhinta loo samayn doono xukuumada maadaama oo ay cadeeyeen guddida doorashooyinka in wakhtigii hore doorasho ku dhici Karin, isla markana muddo xileedka xukuumadduna ku eegtay bisha june ee sanadkan.

Guddoomiyaha golaha Guurtidda Saleebaan Maxamuud ayaa xubnaha golaha u cadeeyey inay waajib tahay in muddo kordhin la sameeyo, isla markaana loo baahan yahay in tallo laga yeesho mudadda ku haboon ee loo kordhin karo xukuumadda.

“Muddo kordhinta sidii aynu ka yeeli jiray ayuun baynu ka yeelaynaa. Inagu Axsaab-na ma nihin Xukumad-na ma nihin, Komishankii doorashadana ma nihin.Waxaynu maanta nahay ka talinta dantii qaranka. Degaanshaha iyo u adkeysigiisa ayaa maanta la inooga fadhiyaa. Ma degdegsanin ee Muddo ayaynu haysanaa oo waa ka gaadhsiin karaynaa. Wadatashi ayaynu yeelanaynaa oo talo dhinac kastaba leh ayaynu qaadanaynaa, oo ah inta ay khusayso ee Sharciyaddu siisay. Taladaas inagoo dhegaysanay baynu inagu go’aankeena qaadanaynaa”ayuu yidhi gudoomiye Saleebaan oo la hadlayey xildhibaanadda golaha Guurtidda.

Sidoo kale, wuxuu sheegay inay jiraan xildhibaano golaha Guurtidda ah oo ku jira asxaabta, haseyeeshee waxa uu xusay in aan loo baahnayn in aragtiydda xisbiyada golaha lala yimaado, balse maanta loo baahan yahay in go’aankii guurtiddu lahaan jirtay la sameeyo oo ah in muddo loo kordhiyo xukuumadda.

“Waa jiraan Ragga qaar Asxaabta ku jira oo kama madhna oo waan ogahay golaha laakiin, maanta gar naq baa la rabaaye Axsaab looma fadhiyo”ayuu yidhi Saleebaan.

“Dad weynaha waxaad moodaa in durba Nashuushad la gashay. Awal ba Muddo kordhintu way dhici jirtay, maantana way dhici ee Illaahay horta ta toosan ha ina waafajiyo, ta toosan Illaahay ha inagu ilhaamiyo laakiin, go’aanka la qaadanayaa wuxuu noqonayaa kii aan Xukumad na u danaynayn Xisbina u danaynayn Nin kalena u danaynayn. Qarankaas baa loo danaynayaa”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa sheegay in maalinta sabtidda ah ee toddobaadka soo socda laga arrinsan doonno mudo kordhinta, waxaanu tilmaamay in go’aan wada jir ah laga qaado muddo kordhinta la doonayo in xukuumadda loo kordhiyo.

“Wax laga cabsado go’aan maaha. Go’aan waa loo fikiraa, waa la sugaa kadibna waa la qaataa, markaa waxaa inagu khasab ah inaan go’aan qaadano ee aan sugno. Guddi baynu u saaraynaa aynu muddo u qabano, Sabtida ayaynu Insha Allah iskugu iman, maantana xilkaas baa ina fuulaye waxaa dhacaya dhagaha ka furaysta”ayuu yidhi isagoo ka dardaarmayey in go’aanka ka soo bixi doonaa dadka ka cadhaysiin.

Si kasta oo  ay tahay, xisbiyada mucaaradka Somaliland iyo beesha caalamka ee Somaliland ka taageerta xaga doorashooyinka ayaa ka walaacsan in muddo aan loo baahnayn ay xilligan guurtidu kordhiso, maadaama oo guddida doorashooyinku cayimeen wakhtiga doorashada qabanayaaan oo ah muddo sanad ah, haseyeeshee golaha Guurtidda ayaa laga cabsi qabaa inay inta xukuumaddu rabto kordhiso, taas oo ka hor imanaysa jadwalkii guddida doorashooyinku dhigteen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland