4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
RW ku xigeenka Somalia oo Jabuuti kula kulmay Masuuliyiinta uu ka mid yahay Geelle (SAWIRO)


Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Ra’iisul wasaare ku-xigeeka xukuumadda Soomaaliya, Maxamed Cumar Carte ayaa xarunta madaxtooyada waddanka Jabuuti kulan kula qaatay madaxweynaha dalkaas, Ismaaciil Cumar Geelle iyo ra’iisul wasaaraha Jabuuti, C/qaadir Kaamil Maxamed.

Kulankan ayaa waxaa ra’iisul wasaare ku xigeenka ku wehliyay wasiirro ka mid ah kuwa xukuumadda Somalia oo uu ka mid yahay, wasiirka xanaanada xoolaha, dhirta iyo daaqa iyo wasiirka boostada iyo isgaarsiinta, iyadoo looga hadlay kulanka xiriirka labada dal ee Somalia iyo Jabuuti.

Sidoo kale, RW ku xigeenka ayaa soo dhameystay howlo caafimaad oo u joogay Turkiga, kaddib markii uu dhaawac culus kasoo gaaray Qaraxii 20-kii bishii Febraayo ee sanadkan ka dhacay hoteelka Central ee magaalada Muqdisho.

Maxamed Cumar Carte ayaa madaxweyne Geelle uga mahad-celiyay dadaalkiisa uu had iyo jeer ku taageerayo Somalia; isagoo sheegay in dadka Soomaaliyeed aysan hilmaami doonin garab-istaaggiisa.

Ugu dabmeyn, Carte ayaa la filayaa inuu dhawaan Muqdisho kusoo laabto si uu howlihiisa u sii wato, isagoo dhowr bilood caafimaad ahaan ugu maqnaa waddanka Turkiga.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya