4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
Wasiirka Gaashaandhigga Somalia oo dalka Kenya ugu ambabaxay kulammmo dhanka amniga ah


Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Wasiirka gaashaandhigga Somalia Jen. C/qaadir Sheekh Cali Diini iyo wafdi uu hoggaminayo ayaa maanta u dhoofay dalka Kenya, halkaasoo uu uga qayb-gali doono shir looga hadlayo amniga, waxaana kusii sagootiyay garoonka Aaden Cadde saraakiil CXDS ka tirsan.

Jen. Diini ayaa sheegay in inta uu joogo Kenya uu la kulmo la yeelan doono saraakiil sare oo dhanka ammaanka ka taagero Somalia, kuwaasoo ay ka wada-xaajoon doonaan dar-dar-gelinta arrimaha ammaanka iyo xoojinta taageerada ay dhinaca amniga ay ka siiyaan Somalia.

Wasiirka difaaca Somalia, taliyaha ciidamadda xoogga Somalia, Jen. Daahir Aaden Cilmi iyo abaanduulaha ciidamada, ayaa tacsi u diray Jen. Ismaaciil Qaasim Naaji oo xaaskiisii ay ku geeriyootay magaalada Muqdisho. Iyagoo ALLE uga baryay inuu jannaadiisa ka waraabiyo.

Safarka wasiirka gaashaandhigga Soomaaliya uu maanta ku aaday dalka Kenya ayaa kusoo beegmaysa xilli xukuumadda Kenya loogu baaqayo inay ciidamadeeda kala baxdo Somalia si ay u yaraadaan weerarrada ay Al-shabaab dalkaas ku qaadayso.


Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya