4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
Madaxda Xisbiga WADDANI ee Somaliland oo ka Digay Xilli Kordhin loo Sameeyo Xukuumadda SL


Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Madaxda xisbiga mucaaradka WADDANI ee gobolka Sool ayaa ka digay burbur la horseedo haddii ay timaado muddo kordhin ka badan halkii sano ee la isla gartay in xukuumaddu sii shaqeyso.

Kulan ay mas’uuliyiinta WADDANI ku yeesheen maanta xafiiska xisbiga ee magaalada Laascaanood ay ku leeyihiin ayaa lagu soo bandhigay mawqifka xisbiga WADDANI.

Guddoomiyaha gobolka Sool ee WADDANI, Cabdi Yuusuf Ismaaciil (Cabdi Majabe) ayaa ka warbixiyey xilliga doorashada iyo sida ay ugu adkayd inay aqbalaan muddo kordhinta sannadka ah, wuxuuna intaas ku daray in golaha guurtidu ay wadaan in laba sano loo kordhiyo maamulka uu hoggaaminayo Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo.

Afhayeenka Xisbigan ee gobolka Sool, Maxamed Cawad Baaruud ayaa isna sheegay in xisbiga WADDANI uu maanta taagan yahay inay mawqifkooda ka muujiyaan hadallada lagu doonayo in loo kordhinta xukuumadda muddada; waxaana leennahay buu yiri xilli ka badan hal sano ma ogolaanayno.

"Saleebaan Gaal yaanu u horseedin dalka burbur ee uu u daayo mudadii ay xisbiyadu isla garteen," ayuu yiri afhayeenka xisbiga WADDANI ee gobolka Sool.

Qaar ka mid ah odayaasha iyo dhallinyarada taageersan xisbiga WADDANI ayaa iyana isla waxay muujiyeen siday u taageersan yihiin mowqifka xisbigoodu uu ku dhawaaqay maanta; haddii la isku dayo in muddada lasii kordhiayana ayna taasi keeni doono in gacanta la iskula tago.

Dhanka kale, waxay taageerayaasha WADDANI ku baaqeen in guddoomiyaha guurtida ee Somaliland uusan horseedin dagaal ka dhaca Somaliland, sida kii deegaanka Kalshaale uga dacay hadda ka hor.

Hadalkan ayaa yimid kaddib markii ay soo bexeen hadallo la sheegay inay kasoo baxayaan Golaha Guurtida Somaliland oo leh laba sano oo kale loogu doro xukuumada Somaliland ee hadda shaqeynaysa.

Seynab Cabdi Warsame, Hiiraan Online
[email protected]
Laascaanood, Gobolka Sool