4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
Kenya oo baaris ku wada Ruux ay uga shakisay inuu Qorsheynayay Weerarro ka dhaca Nairobi

Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Dowladda Kenya ayaa su’aalo weydiinaysa mid ka mid ah shaqaalaha mudane ka tirsan baarlamaanka dalka Kenya; iyadoo loo haysto abaabulidda weerarro lala beegsan rabay xarunta baarlamaanka Kenya ee magaalada Nairobi sida ay xaqiijiyeen booliska Kenya iyo xildhibaano.

Reuters ayaa baahisay in Cali C/majiid oo muddo dheer u shaqeynayay mid ka mid ah mudanayaasha Kenya la xiray Axaddii lasoo dhaafay iyadoo loo haysto dambiyo la xiiriira argagaxisonimo.

Madaxa dambi-baarista Kenay, Ndegwa Muhoro ayaa sheegay inay gacanta ku hayaan ruuxan tuhunka laga qabo ayna baaritaan ku wadaan, laakiiinse warar sirdoon oo la helayo ayaa sheegaya in Al-shabaab ay u soo dirtay rag weerarro ka geysta goobo muhiim ah oo ku yaalla Kenya.

Sidoo kale, wararka ayaa sheegaya in goobaha looga shakisan yahay in la bartilmaameed-sado ay ka mid yihiin kaniisad ku taalla Nairobi, Jaamacadda Nairobi iyo baarlamaanka Kenya, iyadoo laga soo xigtay hadalkan C/majiid.

“Kooxda waxay qorsheynaysay inay u isticmaasho qofkii howsha fulin lahaa ruux xiriir la leh masjidka Pumwani Riyadh Mosque; isla markaana shaqaale ka ah baarlamaanka Kenya,” ayaa lagu yiri warbixinta.

Saraakiisha booliiska Kenya ayaa iyaguna shegay in C/majiid uu caan ka yahay masjidka Pumwani Riyadh; iyadoo dowladda Kenya ay horay ugu tilmaantay masaajidkaas in laga maalgeliyo argagaxisada.

Dhanka kale, Warbixin ay daabaceen guddiga dabagalka cuno-qabateynta hubka ee dalka Somalia iyo Eritrea sannadkii 2011-kii ayay ku sheegeen in C/majiid uu xiriir la leeyahay Al-shabaab, inkastoo eedeyntaas aan ruuxan loo qanan.

Xildhibaan Xasan Cumar oo wakiil ka ah deegaanka xeebta Mombasa oo si wanaagsan u yaqaan C/majiid ayaa sheegay inuu shaki weyn ka qabo inay eedeeymahaas run yihiin.

“Maalmahaanba dowladda xadka ayay kasii baxaysay; qofka la xirayo inta badan wuxuu u muuqday mid u labisan sida muslimiinta,” ayuu yiri Xasan Cumar.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo wixii ka dambeeyay weerarkii Jaamacadda Gaarisa dowladda Kenya waxay wadday dadaallo ay ku doonayso inay ku adkeyso ammaanka dalkeeda, iyadoo xirtay shaqooyinka ka joojisay dad badan iyo shirkadihii xawaaladaha.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya