4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
MADAXWEYNAHA XASAN: Hubka Dowladda Waa la Xakameynayaa Al-shabaabna waa laga Hortagi


Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa ka dhawaajiyay in dowladdiisu ay ku howlan tahay sidii ay hubka u xakameyn lahayd, isla markaana uga hortegi lahayd weerarrada ay qaybo ka mid ah dalka ka geysanayaan.

Xasan Sheekh ayaa sheegay in dowladdiisu ay xoogga saarayso sidii ciidan Qaran oo awood leh loo heli lahaa, kuwaasoo ka imaanaya gobollada dalka oo dhan, cid ka maqnaanaysana aysan jirin.

“Dowladdu waxay diyaar u tahay inay hubka dowladda xakameyso; iyadoo askari walba lagu koontoroolayo hubka ay dowladdu siiso si uu ugu howl-galo,” ayuu yiri madaxweyne Xasan oo aan ka hadlin hubka gacanta ugu jira shacabka Soomaaliyeed.

Isagoo sii hadlayay ayuu madaxweynuhu sheegay in Somalia ay doorasho ay ka dhici doonto sannadka 2016-ka si ay shacabka Soomaaliyeed ay si xor ah ugu soo dooran lahaayeen hoggaankooda.

Sidoo kale, madaxweyne Xasan ayaa sheegay in Al-shabaab ay maalmaha soo socda geysan doonto weerarro uu dhiig badan ku daato, isagoo xusay inay ka geysan doonaan goobaha ay bulshadu ku badan tahay.

“Al-shabaab waxaa looga adkaaday dagaalkii tooska ahaa, iyagoo dagaalkii ay wadeen u bedelay inay laayaan shacabka oo ay qarxiyaan meelaha ay bulshadu ku badan tahay,” ayuu yiri Xasan Sheekh.

Ugu dambeyn, madaxweynaha oo hadlka ka sheegay furitaankii kal-fadhigii lixaad ee baarlamaanka Somalia ayaa imaanaya xilli wasaarada Amniga ay sheegtay maalin ka hor in Al-shabaab ay qorsheynayso inay weerarro ka geysataan goobaha ay bulshadu ku badan tahay sida masaajidda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya