4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Apr 28, 2015
Kismaayo oo looga Diyaar-garoobayo Doorashada Guddoomiyaha Baarlamanka Jubbaland
Talaado, Abriil 28, 2015 (HOL) —Magaalada Kismaayo ee xarunta gobolka J/hoose ayaa waxaa maanta ka soconeeyso qabanqaabo ku aadan doorashada gudoomiyaha baarlamanka Jubbaland, iyadoo xarunta Caymiska ee magaalada Kismaayo oo ah halka ay ka dhici doonto doorashadu ay ku suganyihiin xildhibaanada baarlamanka Jubbaland iyo madax ka tirsan maamulka.

Masuuliyiin ka tirsan maamulka Jubbaland ayaa HOL u sheegay in la qorsheeynayo in maanta ay qabsoonto doorashada gudoomiyaha baarlamanka Jubbaland, waxaana sidoo kale si weyn loo adkeeyay ammaanka magaalada , iyadoo ay xirantahay wadada hormarta xarunta caymiska ee magaalada Kismaayo oo ah halka ay ka dhici doonto doorashada.

Madaxda maamulka iyo xubnaha baarlamanka Jubbaland ayaa kusii qulqulaya xarunta ay ka dhici doonto doorashada gudoomiyaha baarlamanaka, iyadoo ay jiraan xubno dhowr ah oo ka tirsan baarlamanka oo isu soo sharaxay xilka gudoomiyaha baarlamanka.

Dhawaan ayay ahayd markii gudaha magaalada Kismaayo lagu dhaariyay xildhibaanada baarlamanka Jubbaland, waxaana magacaabista baarlamanka Jubbaland soo dhaweeyay beesha caalamka iyo qaar kamid ah dalalka deriska la ah Soomaaliya.

Xasan Nuur, Hiiraan Online
[email protected]
Kismaayo-Soomaaliya.