4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
Madaxweynaha Suudaan oo mar kale guul lama filaan ah ka gaaray Doorashooyinkii Madaxnimo


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha dalka Suudaan, Cumar Xasan Al-bashiir ayaa ku guuleystay doorashada madaxnimo ee waddankiisa dhawaan ka dhacday, iyadoo guddiga doorashooyinka Suudaan ay maanta oo Isniin ah shaaciyeen in Al-bashiir uu helay 94.5% codadkii doorashooyinka.

“Tirada codadkii uu madaxweyne Cumar Al-bashiir ka helay waa - 5,252,478 oo la micno ah 94.5%,” ayuu yiri guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka Suudaan, Mokhtar al-Asam oo shir jaraa’id ku qabtay magaalada Khartuum ee caasimadda dalka Sudan.

Dadweynihii ku sugnaa goobtii looga dhawaaqay natiijada oo taageerayaasha madaxweyne Cumar Al-bashiir u badnaa ayaa mar keliya ku dhawaaqay takbiirta ‘Allaahu Akbar’ oo la micno ah ALLAA weyn.

Maxkamada Caalamiga ah ee ICC ayaa waxay amar ku bixisay in lasoo xiro madaxweynaha Sudan Al-bashiir, iyagoo shaaciyay in loo haysto 13-eedeymood oo la xiriira ku tumashada xuquuqda aadanaha waddankiisa.

Hoggaamiyihii mucaaradka ee la tartamayay madaxweynaha Sudan, Cumar Al-bashiir oo lagu magacaabo, Fadl el-Sayed Shuiab ayay sheegeen guddiga doorashooyinku inuu helay codad gaaraya 79,665 oo u dhigma 1.43%.

Goob-joogayaashii ururka Midowga Afrika ee doorashada kor kala soconayay ayaa sheegay in doorashooyinku ay si nabad ah ku dhaceen, inkastoo ay ku dareen hadalkooda inaysan u soo bixin doorashada dadkii la filayay inay ka qayb-galaan.

Sidoo kale, guddoomiyaha guddiga doorashooyinka dalka Sudan Asam oo warbaahinta kula hadlayay Khatuum ayaa sheegay in 46.4% ay shacabka Suudaan u soo baxeen doorashada; ayna sidoo kale doorteen golaha baarlamaanka guud ee Suudaan iyo kuwa gobollada.

Dalalka Mareykanka, Britain iyo Norway ayaa horay u dhaleeceeyay habka ay cod-bixintu u dhacday oo ay ku sheegeen inay ahayd mid liidatay, waxaa sidoo kalena doorashadii ka dhacday Sudan cambaareeyay hoggaamiyaha mucaaradka dalkaas iyo taageerayaashiisa oo iyaguna sheegay in codadka doorashooyinka lagu shubtay.

Al-bashiir ayaa Sudan ka talinayay tan iyo sannadkii 1989-kii markaasoo uu xukunka ku qabsaday qaab afgambi ah. Isagoo sidoo kale doorashooyinkii ka dhacay  dalka Suudaan 2010-kii ku guuleystay, inkastoo mucaaradku ay mucaaradeen habkii ay doorashadaas ku dhacday.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya