4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
Gudoomiyaha Guurtida Somaliland oo Maanta ka hadlay Mudadii loo Kordhiyay Xukuumada SL


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Guddoomiyaha Golaha Guurtida ee Somaliland, Saleebaan Maxamuud Aadan ayaa maanta sheegay inay lagama maarmaan tahay in mudo kordhin loo samaynayo xukuumadda, inkastoo aanu cayimin xilliga la kordhinayo inta ay noqon doono, isagoo xusay in doorashadu ay  dib uga dhacday waqtigeedii, isla markaana golaha u taallo in xukuumadda loo kordhiyo.

Wuxuu guddoomiyuhu hadalkan sheegay mar uu maanta kusoo laabta magaalada Hargeysa ee xarunta Somailand, isagoo dhawaanahan dibadda ugu maqnaa safar caafimaad.

“Horena waa loo kordhin jiray maantana gudigii doorashooyinku waxay tidhi mudadaas doorasho kuma qaban karno dee waa la kordhin  ileen dawlad la’aani jirimayse, waa la kordhin doonaa sidii sharcigu ahaa , maantase idin odhan maayo mudadaas ayaa la kor-dhinayaa ee horta aanu hawashayada qabsano.“ayuu yidhi gudoomiyaha golaha Guurtidda oo ka hadlaya dib udhaca doorashadda iyo waxa laga yeelayo.

Guddoomiye Saleebaan ayaa sheegay in aanay dalka wax dhibaato ahi ka taagnayn, isla mrkaana dhowaaqa xisbiyadda mucaaradka ah ka soo yeedhayaa aanay wax weyn ahayn, sidaa darteed aanu dalku ku dhici Karin dawlad la’aan.

“Xaalaada dalku marayo ee aad ii buun buuninaysaan anigu idin lama arko , waxa dhibaato ah ma jirto rag baa qaylinaya  guurtidii wali arintii hadii warqadii gaadhayna go’aan may gaadhin cidna lamay tashan  meel aad nagu  kufinaysaan anigu garan maayee insha allah wanaag bay noqon.”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Si kasta ha ahaatee, golaha guurtida ayaa dhowaan la filayaa inay xukuumada madaxweyne Siilaanyo muddo kordhin u samayn doonaan, wallow beesha caalamka iyo xisbiyada mucaaradku ka cabsi qabaan inay muddo ka badan inta komishanka doorashooyinku qabtay kordhiyaan, waxaana dhowaan kulan la yeeshay golaha Guurtida safiir ku xigeenka Ingiriiska u fadhidda Itoobiya, kuwaas oo golaha kala hadlay arrimaha doorashooyinka iyo in aan la kordhin muddo ka badan wakhtiga guddida Doorashooyinku cayintay.

Hase yeeshee, xisbiyda mucaaradka ayaa walaac ka qaba in muddo badan golaha Guurtidda u kordhiso xukuumadda, taasoo ka hor-imanaysa waqtigii gudigga doorashooyinku qabteen.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland