4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
Guddoomiyaha Gobolka Hiiraan oo shaaciyay in amaan buuxa uu ka jiro Magaalada Beledweyne


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Gudoomiyaha maamulka gobolka Hiiraan C/fataax Xasan Afrax ayaa isaga oo jooga magaalada Muqdisho sheegay in amaan buuxa oo leysku haleyn karo uu waqtigan ka jiro magaalada Beledweyne.

Guddoomiyaha ayaa sheegay in wadda-shaqeyn buuxda oo dhaxmartay hay'adda ammniga iyo bulshada ku dhaqan degmada Baladweyne suuro-galisay inay kusoo dhiiraadaan wafuud heer caalami ah.

Billowgii Todobaadkan ayay aheyd markii ay magaalada Beledweyne oo soo gareen wasiiro xildhibaanno iyo danjirayaal heer caalami ah, kuwaasoo kormeeray qaybo kala duwan oo ka mid ah magaalada Baladweyne.

"Ammaanka ka jirta magaalada waxaa suuro-galiyay ciidamada wadajirka ah ee dowladda iyo AMISOM iyo bulshada oo xirir wanaagsan yeeshay, kana wadda hortaga khatarta ay maleegayaan kooxaha argagixisada ayuu yiri'' C/fataax Afrax.

Waxaa soconaya mashaariic dhowr ah oo ay fulinayaan hay'ado & dowladda caalami ah, waxaana ka mid ah mashaarciidaas dhismaha garoon kubada cagta ah oo noqnaya kii ugu horreeyay ee noociisa ah oo laga Gobollada Dhexe laga hirgeliyo.

Sidoo kale waxaa dhismihiisa la wadaa suuq-weyn oo casri ah oo laga hir-galinayo xaafadda Buundo-weyn kaasoo ay dhiseyso dowladda Ingariiska.

Ugu danbeyntii, guddoomiyaha ayaa uga mahad celiyay bulshada ku dhaqan magaalada wadda-shaqeynta joogta ah oo ay la leeyihiin hay'addaha nabad-galyada.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya