4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
MUSEVENI: Dadweynaha Uganda Waa in la siiyo Tababarro ay isaga Difaaci Karaan Al-shabaab


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha wadanka Uganda, Yoweri Museveni ayaa saraakiisha ciidamadiisa dalkiisa ka dalbaday inay shacbka Uganda siiyaan tababarro ay uga hortegi karaan Al-shabaab oo horay uga geysatay dalkaas weerarro ay ku dhinteen 76-qof.

Warbixinta uu qoray Museveni qoray oo lagu daabacay wargeysyada dalka Uganda kasoo baxa ayuu shacabka waddankiisa uga dalbaday inay qaataan tababaro ay uga hortegi karaan argagaxisada, isagoo xusay inay lama huraan tahay inay iska difaacaan Al-shabaab haddii ay so weerarto dalkooda.

Sidoo kale, Museveni ayaa warbixintiisa ku sheegay in ciidamada Uganda ee ka howlgala dalka Soomaaliya ay dagaallada ku jebiyeen Al-shabaab, taasoo sababi karta inay weerarro kusoo qaadaan Uganda.

“Ciidamadeenna Soomaaliya ku sugan way sii wadi doonaan dagaallada ay kula jiraan Al-shabaab, illaa laga saaraayo dhulka ay kaga sugan yihiin Somalia,” ayuu ku yiri Museveni qoraalkiisa.

Afhayeenka wasaaradda gaashaandhigga Uganda, Cap. Paddy Akunda ayaa isna dhankiisa sheegay in hadalka kasoo yeeray madaxweynaha Uganda uu macno ahaan ka dhigan tahay in shacabka Uganda ay iska difaacaan ururka Al-shabaab haddii ay weerarro soo qaadaan.

Waddanka Uganda ayaa waxaa Somalia kaga sugan ciidammo fara badan oo qayb ka ah ciidamada AMISOM ee dowladda Somalia ka taageera dagaallada ay kula jirto Al-shabaab oo muddo sannado ah isku dayaysay inay xukunka ka tuurto.

Ugu dambeyn, Yoweri Museveni ayaa muujiyay in Al-shabaab aysan hadda awood badan u lahayn inay weerarro ka geysato dalka Uganda iyo kuwa ay ka socdaan AMSIOM oo uu ka mid yahay dalka ay dariska yihiin ee Kenya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya