4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
Xaflad Dhaqaale loogu Ururinayay Jaamacadda Galguduud oo lagu Qabtay Minnesota (SAWIRO)


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Xaflad lacag loogu ururinayay Jaamacadda Galguduud oo ku taalla degmada Caabudwaaq ee G. Galguduud ayaa lagu qabtay magaalada Minneapolis e gobolka Minnesota, iyadoo ay kasoo qaybgaleen xafladda dad illaa saddex boqol oo ruux gaaraya.

Munaasabadda ayaa waxaa ka hadlay aqoon-yahanno, culummaa’uddiin iyo dad magac ku leh bulshadda dhexdeeda; waxayna dhamaantood sheegeen qiimaha ay leedahay taageerida waxbarashada Soomaaliya iyo midda Jaamacada Galguduud.

Dadwaynihii reer Minnesoto ee soo buux-dhaafiyay xafladda dhaqaalaha loogu ururinayay Jaamacada ayaa soo dhaweeyay tallaabada lagu doonayo in lagu dhiso dhisme ay leedahay Jaamacadda Galgaduud oo la sheegay inay ku kici doonto lacag dhan 1-milyan oo doollarka Maraykanka ah, iyadoo sidoo kale barnaamij dhaqaale ururin ah horay loogu loogu qabtay Columbus Ohio iyo Seatle Washington.

Sadaxdan magaalo ayaa waxaa ugu horreeya Columbus xaga bixinta lacagta iyadoo bixisay lacag dhan 150,700 oo doollar, Washington Seatle ayaa iyadana ugu deeqday 40,000 oo doollar, halka ay Minnesota bixisay 76,000 oo doollar; iyagoo ballan-qaaday inay dhaqaale ka badan intaan ururin doonaan.

Aadan C/raxmaan oo HOL uga warramayay dhaqaale ururintan ayaa yiri; “Jaamacadda Galgaduud waxay ku taallaa degmada Cabadwaaq waxaana fekerkeeda lahaa dhallinyaro degen gobolka Ohio oo is-tusay inay wax ka qabtaan kaalinta waxbarasho ee dalkoodii hooyo, kaddibna waa la gudo-galay dhulkii baa naloogu deeqay, waxaana u is-taagnay sidan uga dhabeen lahayn, hadda Jaamacaddii waa furan tahay waa shaqaysaa, laakiin waxaa la billaabi doonaan dhawaan dhismahii rasmiga ahaa ee Jaamacadda.”

Sidoo kale, Aaadan ayaa sheegay inay hadda isicmaalaan dhismayaal kiro ah waxaana la qorsheynayaa in dhismahu billowdo bishan Juun ee 2015-ka ee aynu ku jirno.

Waxaa iyaguna ka hadlay xafladda shaqsiyaad ay ka mid yihiin Cabdullaahi Kulane,Hibo Maxamed, Xaamud Maashaye, Cismaan Ducaale, Sadik Warfaa, Sh. C/raxmaan Shariif, Prof. Saciid Saalax, Siyaad Cali, Cadar Axmed Kaahin iyo Faadumo Hiirad; iyadoo ugu dambeyn uu goobta khudbad dheer ka jeediyay Abwaan Cabdi Shire Ciyaar-jecel oo isagu ka yimid Ingiriiska ayaa xusay inuu gobolka Minnesota u yimid sidii uga qaybqaadan lahaa oloahan dhaqaalaha loogu ururinayo Jaamacadda Galgaduud.

Ugu dambeyn, Ciyaar-jecel wuxuu xusay inay tahay markii labaad oo dalka Maraykanka uu u yimaado hawshan Jaamacadda Galguduud dhaqaale loogu ururinayo; wuxuuna ballan-qaaday in dhawaan ay dhaqaale ururin tan oo kale ah ka billaabi doonaan Qaarada Yurub.

Siyad Said Salah, Hiiraan Online
[email protected]
Minneapolis, Minnesota, USA