4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
RW SOMALIA: Madaxda Shabaab Waxay Kawada Hadlayaan Sidii ay ugu biiri lahaayeen Daacish


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Ra'iisul wasaaraha Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ayaa sheegtay in madaxda Al-shabaab ay ka wada hadlayaan sidii ay ugu biiri lahaayen kooxda Daacish ee ka dagaalanta Ciraaq iyo Suuriya, balse hadda u muuqata inay isku ballaarinayso dalalka Carabta iyo Islaamka.

Wuxuu ra'iisul wasaaruhu intaas ku daray in madaxda Al-shabaab ay iska wareysanayan bal inay ku biiraan Daacish iyo in kale, isagoo xusay inay horay uga tirsanaayeen urur-weynaha Al-Qaacida.

Sharma’arke oo la hadlay wargeyska Al-ra’yi ee kasoo baxa Kuwait ayaa sheegay inaysan madaxda Al-shabaab weli wax go’aan ah ka gaarin ku biiristooda ururka Daacish, balse ay u socdaan wadahadallo arrinta la xiriirta.

”Madaxda Al-shabaab weli waxay ka doodayaan inay ku biiraan Daacish iyo inay baaqi ku sii ahaadaan Al-Qaacida. Mid walba oo kooxahan ka mid ahna waxay doonaysaa inay iyada xulufo la noqdaan,” ayuu yiri Sharma’arke.

RW Cumar ayaa sheegay inuusan doonayn in Al-shabaab ay ku biirto Daacish oo doonaysa inay dowlad Islaami ah ka hir-geliyaan wadamada Carabta ee Bariga dhexe ku yaala, isagoo taa sabab uga dhigay in ay dhici karto inay xoojiyaan Al-shabaab.

Dhanka kale, RW Sharma’arke ayaa sheegay in xukuumaddiisu ay diyaar u tahay inay soo gaba-gabeyso jirtaanka Al-shabaab, maadaama buu yiri ay halis ku yihiin Dowladnimada Soomaaliya.

Ugu dambeyn, hadalka RW Somalia ayaa imaanaya iyadoo xoogag Daacish ka tirsan ay kasoo muuqdeen toddobaadkan dalka Yemen oo dhinaca badda ay Soomaaliya xuduud kala wadaagto.

Si kastaba ha ahaatee, madaxweyne Xasan Sheekh oo maanta ka hadlayay furitaankii kal-fadhigii lixaad ee baarlamaanka Somalia ayaa sheegay inay ka qorsheynayso dowladdiisa inay sannadkan 2015-ka soo af-jarto Al-shabaab.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya