4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
Shirkaddii ugu horreysey ee ka shaqeyneysa caymiska oo Puntland laga Furay (SAWIRRO)

Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) —Xarunta Jaamacadda PSU ee magaalada Garowe ayaa maanta lagu qabtay daahfurka Shirkadda Caymiska ee Takaful Insurance of Africa taasi oo markii ugu horeysay Puntland laga furo.

Waxa ka soo qaybgalay furitaanka Wasiirada Ganacsiga, Warfaafinta, iyo Deegaanka Puntland, Rugta Ganacsiga, Ganacsato, Aqoonyahano, Haween Ururada maxaliga ah iyo weliba marti sharaf kale.

Shiikh Maxamuud Xaaji Yuusuf ayaa bilawgii ka hadlay Caymiskan oo uu sheegay inuu yahay mid lagu saleeyay shareecada islaamka ayna soo dhoweynayaan in dalka gudihiisa laga bilaabo.

''Siday Balanqaadeen dadka barnaamijkan wada in shareecadda ku dhaqmayaan waa Caymis khayr ah oo xalaal ah, umaduna xaraanta uga badbaadeyso xalaal, cidii wax ku darsan karta waa u furantahay'' Ayuu yiri Shiikh Maxamuud.

Gudoomiyaha Rugta Ganacsiga Puntland Cabdiraxman Warsame Jaamac ayaa tilmaamay in daahfurkan yahay mid ay bogaadinayaan ganacsatada Puntland in Caymis laga furo isagoo ku daray in muhiim tahay ku dhaqmida shuruucda dowladda u dejisay Caymiska.

Maareeyaha Shirkadda Takaful Somalia Cumar Xaaji Xuseen ayaa faahfaahan ka baxshay shaqada Takaful iyo aabka ay u caymiso ''Waa shirkada loogu talogalay inay wax ka qabato dhibaatooyinka la soo darsa dadka qaybihiisa kala duwan oo dhan waa shirkada u furan, waxana ogolnahay wax kasta oo shareecada Islaamku ogoshahay, Somaali ayaa leh , waxana higsaneynaa inaan noqono shirkadda ugu horeysa oo Caymis xalaal ah ka shaqeysa'' Ayuu yiri.

Waxa uu raacshay in dadaal dheeraad ah ku bixiyaan daboolida baahiyaha caafimaad sidoo kalena adeegyada kale ee bulshada ka shaqeynayan, Guryaha, gawaarida iyo waxyaabaha kale ee qofba isaga u leh muhiimad gaar.

Gudoomiyaha guud ee shirkadda Takaful Hassan Bashiir ayaa isna sheegay in 10 kii sanno ee la soo dhaafay ku hawlanayeen sidii Caymis ku saleysan shareecada Islaamka looga hirgelin lahaa Geeska iyo Bartmaha Afrika oo ugu danbeyntii lagu guuleystay haddana ay dalka keeneen.

''Adeegan (Caymiska) waxa uu ahaa mid maqnaa, waxa uu muujinayaa xadaarad, Dowladnimo iyo Amni, markaad maqshan Caymis waxa uu soo baxaya ka fekerid nolosha dadka'' Ayuu yiri wasiirka Warfaafinta Puntland Cabdiweli Indoguran oo kalmad ka jeedshay daahfurka.

Dhankiisa ayaa wasiirka deegaanka Puntland Guleed Saalax Barre ka shekeeyay dadaaladii ay u soo mareen labadii sanno ee la soo dhaafay sidii Caymiskan looga fulin lahaa Puntland isagoona ka mid ahaa xubnihii horseedka ka ahaa in Takaful laga hirgasho Puntland.

Ugu danbeyntii ayaa waxa soo xiray oo kadib marka uu xariga ka jaray ku dhawaaqay furitaanka Takaful Insurance Puntland Maxamed Xasan Soocade wasiirka Ganacsiga iyo warshadaha Puntland.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Puntland, Soomaaliya