4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
Madaxweynaha Puntland oo Maanta Booqday Xafiisyada UNSOM & UNICEF ee Garoowe (SAWIRRO)


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Puntland, Cabdiweli Maxamed Cali Gaas ayaa maanta booqday xafiisyada Hay’adaha UNICEF iyo UNSOM ee magaalada Garoowe, kaddib Qarax dhawaan lagu weeraray gaari ay lahayd Qaramada Midoobay oo shaqaale ka tirsan Qaramada Midoobay ay la socdeen.

C/weli Gaas ayaa xafiiska UNICEF ugu tagay shaqaalaha iyo mas’uuliyiinta xafiiska qaar ka mid ah , isagoona u muujiyay dareenka uu ka qabo qaraxii dhawaan lala beegsaday oo ay mas’uuliyaddiisa sheegatay Xarakada Al-shabaab.

Sidoo kale, Gaas ayaa dhmmaan madaxda iyo shaqaalaha hay’adda UNICEF u sheegay in maamulkiisa ay ka go’an tahay adkeynta amaanka xafiisyada QM iyo shaqaalahooda, ayna meel wanaagsan u marayso baaritaanka ay ku hayaan weerarkii lala beegsaday ee Garoowe ka dhacay oo ay ku dhinteen tiro ka mid ah shaqaalaha UNICEF.

Intaa kaddib, Mariana Hattinge oo ah mas'uulka hay’ada UNICEF ee Puntland oo kualnka ka hadashay ayaa sheegtay inay sii wadi doonaan howlaha ay shacabka Puntland u hayaan, waxayna ballan-qaaday inaysan saameyn ku yeelanayn weerarkii shaqaalahooda dhawaan lala beegsaday.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa booqday xafiiska UNSOM uu ku leeyahay Garoowe, waxaana la kulmay madaxa xafiiskaas, Omar Abuudi iyo shaqaalaha UNSOM ee Puntland, isagoo u caddeeyay in adkeynta amnigooda xil gaar ah iska saari doonaan.

Ugu dambeyn, wakiilka xafiiska UNSOM ee Puntland, Omar Abuudi ayaa C/weli Gaas uga mahad-celiyay booqashadiisa, isagoo ballan-qaaday in shaqooyinka ay ka wadaan Puntland ay sii wadi doonaan, uusan qaraxii lala beegsaday shaqaalaha Qaramada Midoobay uusanna hakin doonin howlahooda.

Si kasta ha ahaatee, weerarkaas ayaa waxaa mas’uuliyaddiisa sheegatay Al-shabaab, iyadoo ku goodisay inay sii wadi doonaan weerarrada ka dhanka ah shaqaalaha iyo madaxda QM ee jooga Soomaaliya oo dhan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya