4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
Machadka Heritage oo ka hadlay ka qaybgalka Dumar ee Siyaasada Dalka & Arrimaha Bulshada


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Machadka Cilmi-baarista iyo daraasaadka siyaasada dalka ee HERITAGE ayaa soo saaray maanta warbixin uu kaga hadlay ka qayb-galka haweenka Soomaaliyeed ee arrimaha siyaasadda dalka iyo kuwa bulshada.

Heritage ayaa warbixinteeda ku billowday in haweenka Soomaaliyeed ay maanta si wax-tar leh uga qayb-galeen horumarka bulshada; iyagoo ku dabaqaya aqoontooda, xirfaddooda iyo hantidooda wax ku oolka ah oo ay u adeegsadeen hannnaan siyaasadeed oo rasmi ah iyo mid aan rasmi ahayn intaba.

Hubaashii, dareenkooda ku aaddan mas’uuliyad iska saarista bulshada iyo qoyska wuxuu ahaa mid si xoog leh dhiirri-galin ugu ah ka qayb-qaadashada arrimaha bulshada ee gudaha Soomaaliya iyo dibadda labadaba. Inkastoo haweenka Soomaaliyeed ay lahaayeen taariikh dheer oo noocyo badan; taas oo ku saabsan dhaq-dhaqaaqooda ku aaddan ka qayb-galka arrimaha bulshada iyo kuwa siyaasaddaba, haddana, haweenku waxay ahaayeen kuwo aan ka dhex-muuqan taariikhda rasmiga ah iyo taariikhda qoran ee gobolka.

Doodaha Qaran ee haatan socda iyo kuwa heerka caalami ah ee ku saabsan Somalia, gaar ahaan siyaasaddeeda iyo dhaqaalaheeda waqtiga taagan iyo mustaqbalkaba ayaa si ballaaran loo hareer-maraa ka qaybgalka haweenka ee arrimaha bulshada iyo kuwo siyaasaddaba. Tan ayaana munaasab ka dhigaysa waqti ahaan iyo muhiimad ahaanba in dood xooggan laga yeesho kaalinta haweenka iyo ka qayb-galkooda arrimaha bulshada.

Warbixintan waxay soo bandhigaysaa qaababka ay haweenka Soomaaliyeed isugu dayeen sidii wax looga qaban lahaa ka reebista haweenka laga reebay xusida taariikhda iyo sababta qoritaanku uu ugu yahay inay ka qaybgalaan arrimaha bulshada, siyaasadda iyo xal-u-helidda quursiga iyo fursadaha loo diido haweenka.

Sidoo kale, Heritage ayaa warbixinteeda ku xustay siyaabo badan oo ay ugu mari karaan haweenka Soomaaliyeed qorshayaasha ay uga qayb-gali karaan arrimaha bulshada iyo siyaasadda. Marka laga hadlayo kaalinta haweenka ee bulshada iyo markii laga hadlayo sida ay u hawl-galaan; waxaan tilmaannay in maanka lagu hayo in haweenka ay noocyo badan yihiin.

HADDABA: HALKAN KASOO ROGO WARBIXINTA OO DHAMEYSTIRAN

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya