4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
Kal-fadhiyadii Baarlamaanka Somalia oo Maanta dib u Furmaya iyo Ammaanka oo la Adkeeyay


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Maanta oo Isniin aha ayaa lagu filayaa in kal-fadhigii 6-aad ee baarlamaanka Soomaaliya, iyadoo ammaanka inta badan magaalada Muqdisho la adkeeyay, gaar ahaan waddooyinka ku dhow xarunta baarlamaanka Soomaaliya.

Madaxweynaha Somalia Xasan Sh. Maxamuud ayaa kal-fadhigan furi doona, iyadoo horay guddiga joogtada ee baarlamaanka ay ugu dhawaaqay in 27-ka bishan oo maanta ku beegan ay kulamadu furi doonaan.

Sidoo kale Xasan Sheekh ayaa lagu wadaa inuu furitaanka kal-fadhigan ka jeediyo khudbad uu diiradda ku saaray xaalada siyaasadeed ee uu dalku ku sugan yahay xilligan, gaar ahaan ammaanka, howlaha horyaalla dowladda iyo Hiigsiga 2016-ka.

Guddoomiyaha baarlamaanka iyo ku-xigeenadiisa ayaa si wadajir ah u shir-gudoomin doona kulanka, iyadoo Jawaari fadhiga ka akhrin doono howlaha horyaalla baarlamaanka Somalia inta uu socdo kal-fadhigan lixaad.

Mudane Cilmi Maxamuud Nuur ayaa warbaahinta u sheegay in kal-fadhigan uu ka duwan yahay kuwii ka horreeyay, isagoo xusay in howlo fara badan ay horyaallaan baarlamaanka, kuwaasoo ay qayb ka tahay sidii dalka doorasho lagu gaarsiin lahaa.

“Kal-fadhigan waxaa baarlamaanka Somalia horyaalla howlo ka badan kuwii hore, waxaana rajeynayaa in howlahaas uu ALLE nala garab-galo howlaha na horyaalla,” ayuu mudanuhu ku sheegay hadal uu siiyay warbaahinta qaybaheeda.

Dhanka kale, ammaanka guud ee magaalada Muqdisho iyo waddooyinka gala xarunta uu ku shiro baarlamanka ayaa la adkeeyay, iyadoo ay ku sugan yihiin ciidammo ka kooban kuwa dowladda iyo kuwa Midowga Afrika ee AMISOM.

Si kastaba ha ahaatee, xildhibaannada baarlamaanka ayaa fasax ku maqnaa labadii bilood ee lasoo dhaafay, iyadoo guddoonka baarlamaanku ay horay u sheegeen in kal-fadhigan uu ka duwan yahay kuwii hore.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya