4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Isniin, Apr 27, 2015
MADAXWEYNAHA: Waan soo dhaweynayaa dhismaha Baarlamanka KMG ah ee Maamulka Jubba


Isniin, Abriil 27, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Soomaaliya, Xasan Sheekh Maxamuud ayaa soo dhaweeyay dhismaha baarlamaanka maamulka KMG ah ee Jubba oo dhawaan looga dhawaaqay magaalada Kismaayo.

“Waan soo dhaweynayaa tallaabada lagu dhisay baarlamanka maamulka KMG-ka ah ee Jubba, waana tallaabo horay loo qaaday. tani waxay muujinaysaa sida ay inooga wada go’an tahay dhameystirka nidaamka federaalka ah ee dalkeenna,’’ ayuu yiri madaxweynaha.

Xasan Sheekh ayaa sidoo kale sheegay in hannaan walba oo la dhaqan-gelinayo ay lasoo gudboonaato caqabado iyo cabashooyin ay dadku muujiyaan, balse muhimaddu ay tahay in la helo nidaam, kaddibna la xaliyo murannada iyo cabashooyinka jira.

“Dowladda federaalka Somalia waxay diyaar u tahay inay maamulka KMG-ka ee Jubba kala shaqeyso sidii loo xallin lahaa cabashooyinkii ka dhashay markii xubnaha baarlamaanka maamulkaas lasoo xulayay, waxaana ujeedku yahay in beel walba ay hesho saamiga ay xaqa u leedahay, baarlamankanina uu noqdo mid dadka oo dhan ay iska wada arkaan,” ayuu madaxweynuhu hadalkiisa ku daray.

Ugu dambeyn, Xasan Sheekh ayaa baaqay bulshada Soomaaliyeed inay ka geystaan gacan barnaamijyada lagu hirgelinayo hannaanka federaalka iyo sugidda amniga guud ee dalka.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya