4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
TARSAN: Somaliland Waxaan leeyahay Ummada Hoggaan u Noqda oo ka laabta Gooni-isu-taagga


Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Guddoomiyihii hore ee Gobolka Banaadir, isla markaana ahaa Duqii Muqdisho, Maxamuud Axmed Nuur (Tarsan) ayaa warbixin uu Facebook-giisa kaga dalbaday madaxda iyo shacabka Somaliland inay dib uga laabtaan go'aankoodii gooni-isu-taagga ahaa, isagoo sidoo kalena fariin u diray hoggaanka Al-shabaab.

Tarsan ayaa ugu baaqay madaxweynaha Somaliland, xildhibaanada, salaadiinta, boqorrada, ugaasyada iyo shacabka Somaaliland inay badbaado u noqdaan jiritaanka Soomaaliya oo ay iska iloobaan wax kastoo kasoo gaaray taliskii ciidamada iyo xukuumadiisii.

“Waxaan ugu baaqayaa reer Somaliland inay ka tanaasulaan gooni isu-taaga oo ay hogaan u noqdaan Qaranka Somaaliyeed; madaama dowladda laga dhisay Koofurta Soomaaliya ay fashilantay inay la timaaddo horumar siyaasadeed; mid bulsho, mid dhaqaale iyo mid dib-u-heshiisiineed,” ayuu Tarsan ku yiri qoraalkiisa.

Sidoo kale, Tarsan ayaa xusay in Somalia ay kusii socoto haadaan madow oo aan la ogeyn waxay ku dambeyn doonto. Isagoo intaas raaciyay in dad badan oo ku nool Koonfurta iyo Bartamaha Soomaaliya ay dhisan doonaan hadalkiisa; laakiin ay tahay xaqiiqo aan la iska indho-tiri karin.

“Marka fiirisid gobolka Geeska Afrika Soomaalidu waxay ku sugan yihiin dhib aad u weyn meel walba oo ay joogaan. Dhibaatada haysata qoxootiga Soomaaliyeed ee ku sugan dalka Yemen, kuwa Kenya, dagaallada joogtada ah ee kooxda Al-shabaab ay ku hayso shacabka Somaaliyeed, dhamaantood waxay na tusayaan in dadka Soomaaliyeed dhibaatooyin kala duwan lagu hayo,” ayuu mar kale yiri Tarsan.

Duqii hore ee Muqdisho ayaa qoraalkiisaan ku xusay in Somalia ay ku socto inay sii kala jajabto oo u qaybsanto nidaam hab beeleed ku dhisan, taasoo uu xusay inay tahay mid uu ka faa’iideysanayo cadowga Soomaaliya.

“Hoggaamiyeyaasha Al-shabaab waxaan leeyahay in ka badan Toban sano ayaad dhiigga ummadda Somaaliyeed ee muslimka ah daadinayseen wax natiijo ah oo aad  ku gaarteenna ma jirto. Kuwiinii dhintayna waxay dhinteen iyagoo dhiig muslim qaba, kuwiinna noolna waxaad ku nooshihiin cabsi iyo xasillooni-darro, marka waa inaad joojisaan dhiigga aad ka daadinaysaan shacabka Soomaaliyeed, mar haddii aysan jirin natiijo aad ku gaarteen,” ayuu Tarsan ku yiri qoraalkiisa.

Ugu dambeyn, Tarsan ayaa madaxda Al-shabaab ugu baaqay inay wadahadallo la furaan dowladda haddii aad bulshada wanaag la doonaysaan. Taasoo uu ku sheegay inay tahay mid gacantooda ku jirta, haddii aad diiddaanna waxaad arki doontaan idinkoo aysan talo gacantiinna ku jirin, waa sida uu hadalka u yiriye.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya