4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
Madaxweyne Siilaanyo oo Dadka Hargeysa kala Qayb-galay Salaad Roob-doon ahayd (SAWIRRO)


Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Gobollada iyo degmooyinka Somaliland ayaa maanta laga sameeyey salaad roob-doon ahayd, kaddib markii Siilaanyo uu ku baaqay in Somaliland oo dhan laga oogo salaadda roob-doonka.

Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud Siilaanyo ayaa kala qayb-galay dadweynaha ku nool magaalada Hargeysa tukashada Salaad Roob doonta ahayd, waxaana halkaas Alle lagu weydiistay inuu siiyo roob.

Wasiirka Diinta iyo Owqaafta Somaliland oo salaada tujinaayay dadka iyo madaxweynaha ayaa khudbad uu jeediyay kusoo qaatay sida ay muhiim u tahay in Ilaahay la baryo si uu u siiyo roob, wuxuuna intaas ku daray in mar kasta oo jiilaalku dheeraado loo baahan yahay in ilaahay baryadiisa la badiyo.

Sidoo kale, waxaa isna halkaas ka hadlay madaxweynaha Somalland oo Ilaahay ka baryay inuu dad iyo doonyaba Roobka u soo dadajiyo, isagoo ku daray baryadiisa in roobkaas uu noqdo mid aan waxyeello lahayn.

“Illaahay baa mahadleh, Illaahay waxaan ka baryaynaa inuu Ducadaas maanta inoo aqbalo, Illaahay waxaan ka baryaynaa inuu roob khayr qaba ina siiyo , ALLE waxaan ka baryaynaa inuu maslaxadeenna iyo wanaaggeena ina waafajiyo, Illaahay waxaan ka baryaynaa inuu isu soo jeediyo quluubta Umaddeenna, Alle waxaan ka baryaynaa inuu Khayrka ina waafajiyo, Illaahay waxaan ka baryaynaa Caafimaad, nabad qab, wadajir iyo midnimo ina siiyo; Allow sidii khayr leh, Allow sidii khayr leh, Illaahow sidii khayr leh,” ayuu yiri madaxweynaha oo ka hadlayey goobta uu salaadda Roob doonta ah kula tukanayey dadweynaha.

Si kastaba ha ahaatee, deegaammo badan ayaa laga sheegayey inay ka jirto jiilaal iyo biyo yaraan, waxaana ilaahay la waydiistay inuu usoo naxariisto oo uu roob lagu raysto inoo shubo.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland