4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
DAAWO SAWIRRO: Madaxweynaha Mareykanka Obama oo ku sugan Kenya isagoo Dhallinyaro ah


Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Madaxweynaha Mareykanka, Barack H. Obama oo kasoo jeeda dalka Kenya ayaa dhawaan sheegay inuu dalkaas booqasho ku tegi doono, iyadoo ay noqonayso markii ugu horreysay oo uu Kenya ku tago booqasho isagoo madaxweyne ah.

Obama ayaa sheegay in inta uu ku jiro booqashadiisa Kenya uu kulammo la yeelan doono madaxda Kenya oo uu ugu horreeyo Uhuru Kenyatta, isla markaana uu deegaankii uu ka soo jeeday Aabbihii booqan doono mar kale.

Haddaba waxaan halkan idin kugu soo gudbinaynaa sawirro Barack H. Obama laga qaaday sannadkii 1987-kii, xilligaas oo uu booqday Kenya isagoo 26-sano jir ah, halkaasoo ay weli ku nooshahay ayeeyadii dhashay Aabbihii oo lagu magacaabo Sara Obama; isla markaana ah muslim.






Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya