4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
XILDHIBAAN CALI BOODAAYE: Shacabka reer Hiiraan iyagaa go'aan ka Gaari kara Aayahooda

Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Xildhibaan Cali-nuur Xuseen Boodaaye oo mudanayaasha baarlamaanka Somalia ka tirsan ayaa isagoo magaalada Beledweyne ku sugan ka jawabay hadal kasoo yeeray ra'iisal wasaaraha Soomaaliya Cumar C/rashiid Sharma'arke oo sheegay in la guda-gallayo dhismaha maamul gobolleed ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

Xildhibaan Boodaaye ayaa sheegay in hadalka ra'iisal wasaaruhu uu u muuqdo mid lagu deg degay, madaama lagu waddo dhawaan in magaalada Beledweyne uu ka furmo shir wadda-tashi oo bulshada ku dhaqan gobolka uga arisanayaan mustaqbalkooda siyaasadeed, siddaa daraadeed loo baahnaa in dowladdu dhageysato rabitaanka shacabka.

“Iyadoo laga tixraacayo dastuurka dalka iyo mabaa'diida federaalka ee dhismaha maamul-gobolleedka, haddana dhismaha maamullada la dhisayo waa inay ka tarjumaa rabitaanka shacabka ku dhaqan gobol ama gobollada sameysanaya maamulka, kaalinta uga banaan xukuumada kaliya waa dhisid farsamo kaddib marka la dhageysto rabitaanka shacabka,'' ayuu yiri xildhibaan Boodaaye.

Xildhibaanka ayaa sheegay in ay socdaan dadaalo ay waddaan siyaasiyiin, aqoonyahanno, waxgarad ka soo jeeda gobolka Hiiraan oo ku aadan siddii loo bilaabi lahaa shirar wadda-tashi ah, madaama dowladnimadu tahay mid ka soo bilaabaneysa gunta hoose.

Qodobka 4-aad faraqadiisa 1-aad ee dastuurka dalka wuxuu dhigayaa in gobol kasta uu si madaxbanaan muddo laba sano ah u soo taagi karo dowladda. Qodobka 48-aad farqadiisa 2-aad ayaa isna dhigaya in haddii gobol lagu biirinayo gobolka kale, u madaxbanaan yahay gobolkaas in uu go'aan ka gaaro.

Qodobka 49-aad farqadiisa 6-aad waxaa uu dhigayaa in shacabka u madaxnaan yihiin inay aayahooda ka tashadaan, sidaa daraadeed ayuu sheegay inloo baahneyn yahay dowladda dhexe in aysan ka hor dhicin wadda-tashiga dadweyne.

Xidlhibaanka ayaa dhinaca kale ugu baaqay madaxda dowladda Somalia inay kasoo qeyb-galaan wada-tashiga bulsho, islamarkaan dhageystaan rabitaanka dadka ku dhaqan gobolka oo mar walba ah ayuu yiri kuwa iska leh go'aanka ugu danbeeya ee dowladdu ku camalfali doonto.

Hadalka xildhibaan Cali-Nuur Boodaaye ayaa imanaya xil ra'iisal wasaare Cumar C/rashiid sheegay in dhawaan la guda-gali doono dhismaha maamul ay ku mideysan yihiin gobollada Hiiraan iyo Shabeellaha dhexe.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya