4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
ABUU-MUSCAB: Kororka Weerarrada Kenya ka dhaca waxay baqdin Galiyeen Madaxda dalkaas


Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sh. C/casiis Abuu-Muscab oo maanta ka hadlay weerarrada uu dhiigga badani ku daadanayo ee dalka Kenya ay ka geysanayaan ayaa sheegay in weerarradu ay kordheen shacabka iyo xukuukmadda Kenyana ay baqdini gashay.

“Weerarrada ka dhacaya dalka Kenya way kordheen, waadna aragtaan baqdinta haysata xukuumadda iyo shacabka Kenya. Iyagoo dalkooda si nabad ah ku jooga ayay kusoo xad-gubee dalkeenna, wayna guranayaan miraha ay ka dhaxlaan,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

Sidoo kale, afhayeenka ayaa intaas ku daray. “Kororka weerarrada dhanka ka ah Kenya waxaa sabab u ah laba arrimood. Midda kowaad waa xoogagga Al-shabaab oo doonaya inay ka guuleystan cadowgooda iyo tan labaad oo ah inay ku dhintaaan shahiidnimo.”

Afhayeenka Al-shabaab ayaa intaa raaciyay in haddii Kenya ay awood u heli lahayd inay burburiso Al-shabaab ay burburin lahayd, balse awood uma laha inay burburiyaan, waadna aragtaan waxa ka dhacaaya gudaha dalka Kenya. Weerarkii ugu dambeeyay ee lagu qaaday Jaamacadda Gaarisa ayuu xusay in lagu laayay Keenyaanti badan.

Isagoo kasii hadlayay in weerarkii Gaarisa ay ku beegsadeen dad aan waxba galabsan ayuu sheegay in taasi aysan waxba ka jirin dadkaasna masiixiyiin ahaayeen, laakiinse aysan dilin kuwii muslimiinta ahaa ee goobtaas joogay.

“Dadka kirishtaanka ah ma nabadgeliyaan; balse dadka muslimiinta waxay ku heli doonaan nabad meel walba. Haddii Kenya ay ka bixi waydo Soomaaliya waxaan u sheegaynaa inay xanuunsan doonaan,” ayuu ku daray hadalkiisa afhayeenka howlgallada Al-shabaab.

Ugu dambeyn, afhayeenka ayaa ugu baaqay xukuumadda Kenya inay Somalia kala baxdo ciidamadeeda si ay u nabadgasho, haddii kalena ay sii wadayaan weerarrada ay gudaha Kenya ka geysanayaan.

Si kastaba ha ahaatee, hadalka Sheekh Abuu-Muscab ayaa imaanaya xilli ay Al-shabaab toddobaadkan kasoo afduubtay meel ku dhow Mandheera mid ka mid ah mas’uuliyiinta deegaannada hoos-yimaada degmadaas ayna dileen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya