4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
Gudoomiyihii Maxkamada Sare ee Somaliland oo sheegay in Sharci-darro Xilka looga Qaaday

Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Guddoomiyihii maxakamada sare ee Somaliland, Yuusuf Ismaaciil Cali, ayaa sheegay in sifo sharci daro ah loo maray xil ka qaadistiisa.

“Magacaabista Gudoomiyaha Maxakamadda sare iyo xilka qaadistiisaba waxaa koobsanaya qodobka 105-aad ee Dastuurka Somaliland. Marka Madaxweynuhu doono inuu xilka ka qaado Gudoomiyaha Maxakamadda sare wuxu leeyahay soo jeedin ah inuu baarlamaanka u gudbiyo, Baarlamaankuna fadhi wada jir ah iyo naaqishaad kadib waxay awood u leeyihiin in Sababaha Madaxweynuhu cuskaday aqbalaan iyo in kale. Arrinta xilka qaadistaydana looma marin dariiqaas”ayuu yidhi gudoomiyihii hore maxkamadda sare Yuusuf Ismaaciil Cali oo BBC-da siiyey waraysi uu kaga hadlayo sida uu arko xil ka qaadistaasi lagu sameeey .

Mar uu ka hadlayay fadhigii shalay ay gole ku taageereen soo jeedintii madaxweynaha waxa uu yidhi“Fadhiga labada gole waxaa ka horraysay xilka qaadistayda oo Madaxweynuhu isagoo aan la tashan labada gole sheegay inuu la tashaday guddida caddaaladda, arrintaasina waa sharci darro, Guddida caddaaladda wuxuu la tashanayaa markuu rabo inuu magacaabo gudoomiyaha Maxakamadda sare, arrinta xilka qaadistuna waa qayrul dastuuri isagoon haysan Ogolaanshaha labada gole. Labadda gole waxay ahayd inay dood ka galaan digreetadu horta dariiq sharci ah ma idiinku timid mise idiin kumay iman”.

“Cabashooyinka waxaa ku shaqo leh Maxakamaddaha kala sareeya, Cabashadu maaha mid Madaxtooyada loo qoranayo ama Madaxweynuhu sababayn karo, Xabsiyadana Cabasho kamay iman. Damac dad isku haya oo dan gaara leh ayaa cabashada loo tixgaliyay waxna la igama waydiin”ayuu hadalkiisa raaciyey.

Barkhad-Ladiif M. Cumar, Hiiraan Online
[email protected]
Hargeysa, Somaliland