4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
Madaxweynaha Soomaaliya iyo Hoggaanka Maamullada Gobollada oo ku Wajahan Garoowe


Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Maamulka caasimada Puntland ee Garoowe ayaa sheegay inay u diyaar-garoobayaan soo dhaweynta madaxweynaha Somalia, Xasan Sh. Maxamuud iyo hoggaamiyeyaasha maamullada KMG ah ee Jubba Sh. Axmed Madoobe iyo Koonfur-galbeed, Shariif Xasan Sheekh Aadan oo dhawaan socdaal ku tagaya Garoowe.

Xasan Sheekh, Axmed Madoobe iyo Shariif Xasan ayaa u tagaya magaalada Garoowe sidii uga qaybgeli lahaayeen wajigii labaad shirkii horay dhinacyadan ugu dhex-maray Muqdisho oo ka dhici doona Puntland.

Sarkaal sare oo ka tirsan maamulka Puntland ayaa Warbaahinta u sheegay in wufuudda kasoo hormari doona madaxweyaha Somalia iyo mas’uuliyiinta maamullada gobollada la filayo inay maanta gaaraan Puntland.

Madaxweynaha Puntland, C/weli Maxamed Cali Gaas ayaa sidoo kale isna sheegay maanta in wajiga labaad ee shirka uu furmi doono 29-ka bishaan Abriil oo ku beegan Arbacada soo socota ee toddobaadkan.

C/weli Gaas ayaa shir jaraa’id oo uu maanta ku qabtay magaalada Garoowe kaddib markii uu kasoo laabtay safar uu ku tagay dalka Itoobiya ku sheegay in madaxweynaha Somalia iyo madaxda maamullada la filayo inay Puntland soo gaaraan si ay uga qaybqaataan shirka wadatashiga ah ee Garoowe ka furmi doona.

Dhanka kale, madaxweynaha Puntland ayaa magaalada Addis Ababa uga qaybgalay shir looga hadlayay ammaanka iyo horumarinta Afrika, kaasoo ay ka qaybgaleen mas’uuliyiin kala duwan oo ka socda dalalka Qaaradda Afrika.

Ugu dambeyn, madaxda Puntland ayaa sheegay in wajiga labaad ee kulanka ka furmaya Garoowe inay kusoo bandhigto aragtideeda ku aaddan dagaalka ka dhanka ah kooxaha argagaxisada ah oo ay sheegeen inay dhibaato weyn ku haayan dalalka gobolka iyo Afrika oo dhan.

Si kastaba ha ahaatee, illaa hadda ma jiro wax war ah oo ku saabsan inay ku tegi doonaan Garoowe socdaal madaxweynaha Somalia iyo maamullada KMG ah ee Jubba iyo Koonfur-galbeed Soomaaliya.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya