4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
SAWIRRO: Ku dhawaad 1,000 qof oo kasoo qaxay Yemen oo Maanta soo Gaaray Boosaaso

Jimce, Abriil 26, 2015 (HOL) — Dekedda magaalada Boosasso waxaa saaka kusoo xiratey doon siddey in ka badan 800 oo qof oo kasoo qaxay dalka Yemen.  Dadkan oo isugu jirey rag, dumar iyo carruur ayaa u badan Soomaali, waxaase ku jirey ku dhowaad soddon qof oo isugu jirey Yemeniyiin, Jabuutiyaan, Keenyaati iyo Itoobiyaan.

Xilligii doontu soo xiraneysey waxaa dekedda ku sugnaa mas'uuliyiin dowladda ka tirsan oo ay kamid ahaayeen, wasiirka dekedaha, wasiir ku-xigeenka arrimaha gudaha, duqa degmada Bosaso, taliye ku-xigeenka booliska Bari, isimmo iyo xubno ka socdey hay'adaha Bisha Cas iyo IOM.

Kooxaha caafimaadka ayaa gurmad deg deg ah u fidiyey dad isugu jirey naafo iyo waayeel, waxaa sidoo kale cunto fudud la siiyey muhaajiriinta oo loo qaybiyey labo qaybood. Ragga si gaar ah ayaa loo soocey dumarka iyo carruurtana hal goob ayaa laysugu geeyey.

Markii u dhammadey baaritaanku, waxaa dadkan lagu daad gureeyey gawaari horay loogu sii diyaariyey, waxaana la geeyey goob la qorsheeyey in qaxootiga Yemen kasoo cararayaa si kumeel gaar ah u joogaan.

Afartii todobaad ee ugu dambeeyey waxaa xeebaha Puntland soo gaarey in ka badan 2000 oo qof. Badi dadkaasi waxay kasoo degeen magaalada Bosaso, balse qaar kale oo la socdey doomo yaryar ayaa gaarey degmooyinka Gumbax, Bareeda iyo Tooxin oo dhammaantood ka tirsan gobolka Gardafuu.

Xaaladda dalka Yemen ayaa kasii dartey markii Sucuudiga iyo xulafadiisu duqeymaha ka bilaabeen, waxayna duqeymaha kaddib cabsi xooggani soo food saartey ajaanibta gaar ahaan Soomaalida.

Maxamed Salaad Xaaji Dirir, Hiiraan Online
[email protected]
Boosaaso, Soomaaliya