4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
Dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Nepal oo ay 2200 Qof ku dhinteen iyo Gurmad Socda (SAWIRRO)


Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Ugu yaraan 2200-qof ayaa ku geeriyooday dhul-gariirkii ku dhuftay dalka Nepal Sabtidii shalay ahayd, iyadoo xalay dibadda loosoo saaray dadkii ay guryuhu ku dhul-fariisteen, welina waxaa socda gurmadyo kale.

Dalka Nepal oo ku yaalla Qaaradda Aasia ahna waddan yar ayaa waxaa ku dhuftay dhul-gariir Sabtidii shalay, kaasoo dhimashada ka sokow sababay burbur baaxad weyn.

Shacabki deggenaa magaalada Kethmandu ee caasimadda dalka Nepal ayaa sheegay inay ka cabsi-qabaan inay guryahooda dib ugu laabtaan, iyagoo ku daray intaas inay baqdin ka qabaan in dhul-gariir kale uu ku dhufto.

Xukuumadda Nepol ayaa iyadana sheegtay inay filayso inay waxyeelladu ka badnaan doonto intaas; iyadoo ay ka socdaan dalkaas gurmad lagu dibadda loogu soo saarayo dadkii ku xayirmay dhismayaasha dumay.

Cimilada dalkaa ayaa weli aad u xun, iyadoo ay dhacayaan dabeylo xoog leh oo qabow wata; iyadoo hay’adaha gargaarka ee u gurmada ay sheegayaan inay baqdin ka qabaan in dabeyluhu ay wax u dhimaan in gargaarka si deg-deg ah lagu gaarsiiyo dadka dhibaatadu ku habsatay.

Dhanka kale, waxaa maanta ka dhacay qaybo ka mid ah dalka Nepal dhul-gariir kale oo daba-socda dhul-gariirkii shalay dhacay, wuxuuna sidoo kale ka dhacay qaybo ka mid ah dalka ay dariska yihiin ee Hindiya.

Hay'adaha gar-gaarka caalamka iyo dalal badan ayaa u diray dalkaas kooxo gargaarka ka shaqeeya si ay ula tacaalaan musiibada ku dhufatay Napel oo ay weli saameyntii dhul-gariirku si weyn uga muuqato.

Dalalka gargaarka u diray waddanka Nepal ayaa waxaa ka mid ah; Maraykanka, Bakistaan, Shiinaha iyo ururka Midawga Yurub iyagoo ugu yaboohay dalkaas cunno iyo gargaarro kale oo aasaasi ah.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya