4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
Dowladda oo Dublomaasiyiin Soomaaliyeed oo Maanta Tababar ugu Qaaday Kenya (SAWIRRO)


Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Xukuumadda Soomaaliya ayaa tababar maanta ugu diray dalka Kenya, iyadoo uu sii sagootiyay dublamaasiyiintan wasiir ku xigeenka wasaaradda arrimaha dibadda Somalia, Axmed Cali Maxamed (Kadiye).

Dublamaasiyiinta maanta tababarka loo diray ayaa waxay tiradoodu ahayd sagaal ruux oo ka tirsan wasaaradda arrimaha dibadda, kuwaasoo loo soo tababarayo hab-maamuuska iyo dublomaasiyadda.

Tababarka oo ay ku deeqday dowladda Kenya ayaa ka socon doona magaalada Mombasa ee gobolka Xeebta Kenya muddo 10-maalmood ah, waxaana la filayaa in ka faa’iidyesan doonaan dublamaasiyiinta maanta la dilay oo isugu jiray wiilal iyo gabdho.

Wasiir ku xigeenka arrimaha dibadda ayaa uga mahad-celiyay Kenya deeqda waxbarasho ee ay u fidisay dublamaasiyiintan, isagoo rajeeyay in tababaro kale oo dublamaasiyadeed ay wasaaraddu ka heli doonto dowlado iyo ururo caalami ah.

Ugu dambeyn, wasiir ku xigeenka ayaa sheegay in wasaaraddu ku howlan tahay dar-dar-gelinta habsami u socodka shaqada iyo tayeynta tayeynta aqoonta dublamaasiyiinta da'yarta ah ee Soomaaliyeed, taasoo horumarin doonta waxqabadka wasaaradda.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya