4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
Al-shabaab oo soo bandhigtay Maydka Sarkaal Kenyan ah oo iyaga ka barbar dagaalamayya


Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Xarakada Al-Shabaab ayaa soo bandhigay maydka sarkaal Kenyaan ah oo aysan sheegin xilliga la dilay iyo halka uu ku dhintay, iyadoo muuqaalkan lagu arkayo afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Dheere oo ka tacsiyeynaya geerida sarkaalkan oo lagu magacaabi jiray Ramzi.

Muuqaalka ayaa ugu horreyn lagu arkayaa sarkaalkan oo qori AK47 wata, isla markaana dhex lugeynaya meel xero ah oo ay ku sugan yihiin tiro ka mid ah xoogagga Al-shabaab.

Afhayeenka Al-shabaab Sh. Cali Dheere ayaa sheegay in hoggaamiyahaan lagu magacaabo Ramzi uu u soo haajiray Somalia sidii uu diinta u difaaci laaa, waxaana la arkayaa isagoo sujuudiisa dhukanaya.

“Sh. Ramzi wuxuu halkan u soo aaday sidii uu diinta u difaaci lahaa, wuxuuna ku dhintay waddadii uu doonayay inuu ku dhinto,” ayuu yiri Sh. Cali Dheere oo ammaan u jeediyay xoogagga ajaanibta ha ee ka barbar dagaalama Al-shabaab.

Sarkaalkan ayaa kasoo jeeda gobolka xeebta Kenya ku yaalla ee Mombasa, waxaana lagu soo beegay soo bandhigidda maydkiisa iyadoo Al-shabaab ay kordhisay weerarrada ay ka geysato gudaha dalka Kenya.

Tiro badan oo dhallinyaro Kenyaan ah ayaa ku biiray Al-shabaab si ay uga bar-bar dagaalamaan, waxaana la sheegay inay aad u korortay Kenyanka ku biiraya kooxdan.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya