4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Axad, Apr 26, 2015
HADLIYE: Xukuumadaha Kenya iyo Soomaaliya waxaa ka dhexeeya Xiriir aad u Wanaagsan


Axad, Abriil 26, 2015 (HOL) — Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya, C/salaam Hadliye Cumar ayaa sheegay in inkastoo xaalad adag lagu jiro hadda uu kala dhexeeya dowladda ay dariska yihiin ee Kenya xiriir wanaagsan, maadaama ay Somalia ka joogaan ciidammo la dagaalamaya Al-shabaab.

Mas’uuliyiinta Kenya ayaaa horay u sheegay in weerarrada dalkeeda lagu soo qaado laga soo abaabulo xeryaha Qoxootiga Dhadhaab, taasoo sabab u noqotay in Kenya ya dalbato in qoxootiga laga raro dalkeeda.

“Waxaa jira kooxo doonaya inay gobolka kala qaybiyaan, waxayna rabaa in aan gobol-gobol u dagaalanno,” ayuu yiri Hadliye oo la hadlayay VOA-da, isagoo intaa ku daray in ammaan-darrada ay kooxahan sababeen ay khasab ugu dhigtay Kenya inay darbi ka dhisto soohdinta.

Hadliye ayaa sheegay in Soomaaliya ay doonayso in xuduuddu furnaato si ay ganacsatada iyo dadkaba ugu fududaato inay isaga gudbaan, sidoo kalena ay u wadaagaan dhaqanka iyo aqoonta.

“Soomaaliya waxay doonaysaa inay Kenya ka hesho xoog dalka dib loogu dhiso,” ayuu hadalkiisa ku daray Hadliye. Isagoo mar kale yiri. “Waxaanu qabnaa inay jiraan waxyaabo wanaagsan oo labada dal ay wadaagi karaan intii la kala goyn lahaa labada waddan.”

Dhanka kale, wuxuu ammaanay ciidamada Kenya ee wiilasha iyo gabdhaha leh ee jooga Jubbooyinka, kuwaasoo uu sheegay inay dagaal adag kula jiraan Al-shabaab. Isagoo xusay inay ciidamadaas wadaagaan dhinaca xog is-dhaafsiga iyo ka hortagga argagaxisada.

Wasiirka arrimaha dibadda ayaa intaas ku daray in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay xilliga awood u leeyihiin inay cagta mariyaan Al-shabaab. Wuxuuna sheegay in kooxdu aysan hadda lahayn wax awood ah oo la sheegi karo, ayna beegsadaan dadka shacabka ah.

Ugu dambeyn, Hadliye ayaa sheegay in Kenya iyo Somalia ay iska kaashan doonaan dib u celinta qoxootiga Soomaaliyeed ee Xerada Dhadhaab ku jira, sidoo kalena wuxuu xusay in dowladda Soomaaliya ay soo celin doonto Qoxootiga ku xayiran dalka Yemen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Onlin
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya