4/27/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Al-shabaab oo ka Hadashay Weerarkii ay xalay ku qaadeen Buulo- burte

Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Al-shabaab ayaa ka hadashay weerarro ay xalay ku qaaday degmada Buulo-burte ee gobolka Hiiraan iyo deegaanno kale oo ka tirsan gobollada dalka qaarkood.

Afhayeenka howlgallada Al-shabaab, Sheekh C/Casiis Abuu Muscab oo shir jaraa’id qabtay ayaa sheegay in weerarkii Buulo-barte oo billowday gellinkii dambe ee xalay uu isugu jiay qaraxyo uu fuliyay ruux naftiis hure ah iyo dagaal toos ah.

“Gaari walxaha qarxa laga buuxiyay ayaa markii hore lala beegsaday hoteelka Camalow oo maalmihii dambe isku bedelay taliska ciidamada Jabuuti iyo kuwa Soomaaliya, kaddibna waxaa xigay dagaal toos ah oo lagu qaaday hoteelka,” ayuu yiri Abuu-Muscab.

Sheekh Abuu-Muscab ayaa sheegay in 34 ruux oo isugu jiray askara & saraakiil uu ku jiray abaanduulihii ciidamada Somalida lagu dilay weerarka, halka dhaawacyada uu ku sheegay inay gaarayaan 80 ruux, ayna ku gubeen weerarka saddex gaadiidka dagaalka ah.

Afhayeenku wuxuu xusay in weerarkaas uu ahaa mid qorsheysan oo ay guulo ka gaareen, isagoo intaas ku daray in weerarka ay ka qaadeen laba jaho, uuna socday muddo saacado ah.

Degmada Buulo-burte ayaa Al-shabaab laga qabsaday toddobaadkii hore, kaddib markii ciidamada AMISOM, kuwa dowladda iyo kuwa maamulka gobolka Hiiraan ay duullaan wadajir ah ku qaadeen degmada oo 125-km dhinaca Koonfureed kaga beegan degmada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan.

Sidoo kale, afhayeenka howlgallada Al-shabaab ayaa intaas ku daray inuu weerarku ahaa midkii labaad oo degmadaas lagu qaado tan iyo markiii ay qabsadeen ciidamada huwanta, isagoo xusay in ciidanka Jabuuti lagu soo qiyaamay qabsashada degmada Buulo-burte.

Inkastoo afhayeenka Al-shabaab uu sheegtay in weerarkii degmada Buulo-burte ka dhacay ay ku dileen 34-qof ayna ku dhaawaceen 80 kale ayaa haddana xubno u hadlay AMISOM iyo dowladda Somalia waxay sheegeen in askar tiro kooban ah ay ku dhinteen; kuwo kale oo aan badnayna ay ku dhaawacmeen.

Dhanka kale, Sh. Abuu-Muscab ayaa sheegay inay xalay weerareen deegaanka Arbacoow ee duleedka Muqdisho iyo degmada Buur-dhuubo ee gobolka Gedo oo ay ku sugan yihiin ciidamada Itoobiya ee ka tirsan AMISOM iyo kuwa dowladda Soomaaliya ayna khasaare u geysteen, inkastoo faahfaahin intaa ka badan uusan ka bixin khasaaraha dhacay.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya