4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Warbixin ku saabsan Waxqabadkii Hay’adaha Swiss-Kalmo iyo New-Way


Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Hay’adda Swiss-Kalmo iyo New-Way waxay ka mid ahaayeen hay’adihii fara ku tiriska ahaa ee u soo gurmadey shacabka Somalia sannadihii dagaallada sokeeye ay ka jireen, waxayna haya’dahaan xilligaas xoogga saareen in gobollo Soomaalieed ay ka fuliyaan mashaariic isugu jirtay caafimaadka, waxbarashada , biyaha iyo inay gacan siiso dadka tabaaleysan, kaalmooyinkaasoo ay shacabka Soomaaliyeed si weyn u soo dhaweeyeen.

Nasiii-bdarro waxaa sannadkii 2002-dii magaalada Marka ee gobolka Shabeelada Hoose lagu diley haweeneydii madaxda ka ahayd hay’adda New Way, taasoo ay si aad ah uga xumaadeen dhammaan bulshada Soomaaliyeed meel kasta ay joogaan, kuwaasoo deegaannada ay hay’adahaas ka howlgeli jiray ka dhigay bannaabaxyo looga soo horjeedo dilkaas, iyagoo dalbaday in cadaaladda la horkeeno kooxihii ka dambeeyay dilkaas.

Mustaf Bashiir Goobdoon oo ah xiririyaha dhinaca samafalka ee hay’adaha Swiss Kalmo iyo New Way iyo xiriiriyaha ururka Somali Diaspora ee dalka Switzerland  ayaa faahafaahin ka bixiyay waxqabadkii hay’adahas , isagoo yiri: “Markii la dilay haweeneydii madaxda ka ahayd ee Verena Krere, waxayna madaxdii haweeneydaas waxay go’aan ku gaareen in la sii waddo howlihii Samafal ee hay’adahaas. “

Isagoo intaas ku daray: “Go’aankaas ay hay’aduhu ku gaareen inay sii wadaan howlahii Samafal ee ay gobollada Soomaaliya ka wadeen; taasoo ay hay’adahan  uga duwan yihiin hay’adaha kale waayo hay’adahaas haddii ay waxyeello soo gaaraan markiiba dalka waa isaga cararaan oo dib uguma soo laabtaan marka hay’adahaan Swiss Kalmo iyo New Way waxaa lagu tilmaami karaa kuwo ay ka go’an tahay wax u qabashada shacabka Soomaaliyeed.“

Sidoo kale, Mustaf Bashiir Goobdoon mar uu ka warramayay howlaha Samafal ee ay hay’adahan ay ka wadaan Soomaaliya wuxuuna xusay inay ka howl bilaabeen  markii ugu horreysay gobalka Shabeeladda Hoose sannadkii 1994-kii waxayna ka shaqeeyaan dhinacyada caafimaadka iyo waxbarashada iyo u gargaaridda dadka dan-yarta ah ee deggen baadiyaha ee aan awoodda u lahayn inay yimaadaan Isbitaalada.

Xiriiriyaha wuxuu intaas ku daray in hay’adahaas markii dambe ay isku ballaariyeen gobollada Soomaaliya, iyagoo howlo samafal ka billaabeen; gobollada Shabeeladda Hoose, Bay, Gedo iyo Galgaduud, isagoo sheegay in hay’adahaan mustaqablka ay howlaha samafalka gaarsiin doonaan gobollo kale si dadka halkaa ku nool looga taakuleeyo dhinacyada caafimaadka, waxbarashada iyo biyaha.

Mar uu ka warramayay caqabadaha ka hor-yimid howlahooda samafalka ah ayuu sheegey inay kala mid yihiin hay’ahada kale ee dalka ka howlgala, hase-yeeshee  ay caqabadda haatan haysata ay tahay iyadoo deegaannada ay ka howlgalaan aysan tegin dadka shisheeyaha ah; balse Muqdisho ay mar-mar u yimaadaan sidii ay u ogaan lahaayeen baahida hay’adahaas, isla markaa ay u dhiiri-gelin lahaayeen shaqaalaha Soomaalida ah.

Ugu dambeyn, wuxuu Mustaf  Bashiir Goobdoon u soo jeediyey dowladda Somalia inay dadaal u gasho sidii  safiir buuxa loogu magacaabi lahaa wadanka Switzerland maadaama ergay uusan wax badan ka qaba karin howlaha loo baahan yahay in loo qabto ummadda Soomaaliya, halka danjiruhu uu yahay siyaasi buuxa oo wax badan u qaban kara ummadda Soomaaliyeed ee ku nool dalka Switzerland.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya