4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Somalia oo ka qaybgbalay shirka Baarlamaanada Caalamka (SAWIRRO)


Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Magaalada Jeneva ee dalka Switzerland waxaa si rasmi ah uga furmay Isniin shalay shirka midowga baarlamaannada caalamka ee Inter Parliament Union (IPU), iyadoo Somalia uu uga qeybgalayo shirkan mudane, Cabdullaahi Axmed Xuseen (Coonka) oo ka tirsan baarlamaanka Soomaaliya.

Shirka ayaa waxaa furay xoghayaha guud ee Qarammada Midoobay, Ban Ki-Moon oo isagoo New York jooga khudbad dhanka Internet-ka jeediyay; iyadoo markaas kaddib uu guddoominta shirka la wareegay xoghayaha guud ee IPU Andenrs Jonson isagoo khudbadiisii ku muujiyey muhiimadda ay leedahay in baarlamaannada caalamka ay xilligan yeeshaan iskaashi iyo wadashaqeyn joogta ah.

Xildhibaan, C/llaahi Coonka oo Soomaaliya matalyay ayaa kulammo gaar-gaar ah la qaatay xildhibaanno ka socday Jabuuti, wafdiga ka socda baarlamaanka Uganda, wafdiga ka socda Imaaraadka Carabta oo uu hoggaaminayo afhayeenkooda golaha baarlamaanka, Abuu Axmed iyo guddiga baarlamaanka Carabta oo uu horkacayay guddoomiyahooda baarlamaanka Carabta.

Dhawaan ayay aheyd markii uu baarlamaanka Soomaaliya ku guuleystay inuu si buuxda u soo ceshado muddo 40-sano ah kaddib xubinnimadiisa baarlamaannada caalamka ee (IPU), waxaana maalinta Khamiista ah magaalada Jeneva ka dhici doonta doorashada xoghayaha guud ee midowga baarlamaannada caalamka.




Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya