4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Faahfaahin weerar Ismiidaamin oo xalay ka dhacay degmada Buula-burte


Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Waarar dheeraad ah ayaa kasoo baxaya weerarro is-miidamin iyo mid toos ah isugu jiray oo ay xalay Al-shabaab ku qaadeen hoteel Camalow ee degmada Buula-burte oo ay daggan yihiin mas'uuliyiinta maamulka gobolka Hiiraan iyo saraakiisha ciidamada maamulka iyo kuwa AMISOM.

Mid ka mid ah wariyayaashii ku sugnaa hoteelka oo HOL la hadlay ayaa sheegay in xalay abaare saacadu markay ahayd 2:00 habeenimo weerarro ismiidamin iyo mid toos ah ay ku soo qaadeen hoteelka xoogag ka tirsan Al-shabaab, waxaana halkaa ka billowday ayuu yiri dagaal culus oo dhaxmaray labada dhinac.

''Marka kaliya ayaa maqalnay qaraxyo dhacaya iyo rasaas xoog leh oo hoteelka lagu furay, waxaa billowday iska-horimaad toos ah oo dhaxmaray xoogaggii weerarka soo qaaday iyo ciidamadii ilaalada ka hayay hoteelka, inta badan mas'uuliyiinta iyo saraakiisha ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa AMISOM waxay ku sugnaayeen hoteelka, waxayna isku dayeen xoogaggii weerarka qaaday inay gudaha u galaan hoteelka, laakiin taasi uma aysan suuro-gelin,'' ayuu yiri wariyaha la hadlay HOL.

Mar uu ka hadlay khasaaraha ka dhashay weerarka wuxuu sheegay inay ku dhinteen askar ka tirsan ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM oo ay ka mid ahaayeen saraakiishii hoggaaminayay dagaalka, wuxuuna xusay inay ku dhinteen weerarka saraakiil oo ku mid ahaa abaanduulihii ciidamada maamulka gobolka Hiiraan, Col Maxamed Amiin.

Wariyaha ayaa intaas ku daray inay dagaalka ku dhinteen kooxihii weerarka soo qaaday, isagoo sheegay in xaaladda degmada ay haatan daggan tahay ayna socdaan baaritaanno lagu xaqiijinayo ammaanka.

''Khasaare ayaa ka dhashay weerarka, waxaa goobta ku dhintay abaanduulihii ciidamada Col. Maxamed Amiin, rag kale oo ciidamada ka tirsanna way dhinteen, sidoo kalana waxaa dhintay qaar ka mid ah askarta ciidamada Jabuuti,'' ayuu wariyuhu intaa ku daray.

Sidoo kale, wuxuu sheegay wariyaha HOL ka hadlay in dadkii ku dhaawacmey weerarkii xalay loo duuliyay magaalada Muqdisho, si halkaa lagu soo daweynayo.

Degmada Buula-burte ayaa toddobaadkii hore waxaa la wareegay ciidamada maamulka gobolka Hiiraan iyo kuwa midowga Afrika AMISOM ee ka socda dowladda dalka Jabuuti, wuxuuna noqonayaa weerarkii xalay kii ugu cuslaa ee ka dhaca magaalada tan iyo markii ay la wareegeen ciidamada isbaheysanaya.

Illaa iyo hadda ma jiro wax war ah oo kasoo baxay Al-shabaab oo ku saabsan weerarka ay xalay ku qaadeen degmada Buula-burte ee gobolka Hiiraan.

C/raxmaan Diini, Hiiraan Online
[email protected]
Beledweyne, Soomaaliya