4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Guddoomiyaha Wadajir oo dalbaday in la adkeeyo Ammaanka Muqdisho

Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Guddoomiyaha degmada Wadajir, Axmed Xasan Caddoow (Daaci) oo xalay ka hadlayay munaasabad lagu oso dhaweynayay Jen. Muun-gaab oo dhawaan loo magacaabay guddoomiyaha gobolka Banaadir ahna duqa Muqdisho ayaa sheegay in hay’adaha ammaanka lagala shaqeeyo sidii ay uga hor-tegi lahaayeen in magaalada Muqdisho ay soo galaan xoogagga Al-shabaab.

“Shacabka Muqdisho waxaa laga doonayaa inay gacan ka geystaan sidii Al-shabaab aysan ugu soo dhuuman lahayn Muqdisho,” ayuu munaasabadda ka yiri Daaci oo ku daray hadalkiisa in ammaanka lagu adkeyn karo in la is-kaashado.

Axmed Daaci ayaa sidoo kale maamulka mas’uuliyiinta maamulka gobolka Banaadir ka dalbaday in la sameeyo bara koontarool ammaanka gacan bir ah lagu qabto si looga hor-tago qul-qulatada Al-shabaabka ka imaanaya gobollada dalka, wuxuuna ku daray hadalkiisa in Muqdisho ay ku san yihiin xubno Al-shabaab ka tirsan kuwaa oo uu sheegay in maamulkiisa uu gacan ka geysan doono la dagaalankooda.

“Haddii aan la sameyn baro lagu koontaroolo dadka soo galaya iyo kuwa Muqdisho ka baxaya, waxaa imaanaysa in Al-shabaab ay si fudud kuwaasoo galaan, iyagoo geysan kara falal ammaanka ka baxsan, marka waa in laga hortago inay Muqdisho soo galaan,” ayuu hadalkiisa ku daray Axmed Daaci

Guddoomiyaha degmada Wadajir ayaa hadalkiisa kusoo beegmay xilli dhawaanahan ay ciidamada dowladda iyo kuwa AMISOM kala wareegayeen Al-shabaab deegaanno ku yaalla Koonfurta iyo bartamaha Soomaaliya.

Hadalka Axmed Daaci ayaa imaanaya iyadoo dhowrkii maalmood ee lasoo dhaafay lagu dilay magaalada Muqdisho dhowr qof oo shacab ah, kuwaasoo kooxihii geystay ay baxsadeen.

Maxamed X. Xuseen, Hiiraan Online
[email protected]
Muqdisho, Soomaaliya