4/28/2024
Today from Hiiraan Online:  _
Wararka Maanta- Talaado, Mar 18, 2014
Wafdi ay Hoggaamineyso Wasiiradda Haweenka oo Gaaray Minnesota


Talaado, Maarso 18, 2014 (HOL) — Jaaliyadda Soomaaliyeed ee magaaladda Minneapolis ee gobolka Minnesota ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameeyay wafdi ay hogaaamineysay wasiirka wasiiradda haweenka iyo xuquuqul insaanka Marwo Khadija Maxamed Diiriye.

Wafdigan oo ka koobnaa xildhibaanno dumar ah, ururrada haweenka iyo ururada xaquuqul insaanka Soomaaliya ayaa magaaladda New York uga soo qeyb galay shirka 58-aad ee haweenka caalamka, kaasoo Somalia markii ugu horeysay ay ka soo qeygashay.

Xubnaha wafdigan ayaa warbixin guud jaaliyadda ka siiyay xaaladda dalka, waxayna jaaliyadda ka codsadeen inay dhaqaale iyo aqoon ay ku taageeraan dowladda iyo dalkaba.

"Inagu kaligeen waxba ma qaban karno, wadanka waan wada leenahay dhammanteen ama dibada jooga ama gudaha joog, sidaa daraadeed waxaan idinka codsaneynaa inaad taageero hiil iyo hoo ah na siisaan," ayay jaaliyadda ka codsatay Wasiirada Khadiija.

"Dalkaas dadkiisa ma noqon karno haddii aynaan iska bedelin qaab dhaqankeenna, isla markaan aynaan istaageerin" ayay sii raacisay.

HALKAN KA DAAWO SAWIRRO BADAN:


Xaliimo Yarey oo iyana ka mid ah siyaasiyiinta Soomaaliyeed kana mid ahayd wafdigii wasiiradda ayaa tiri "Waxyaabaha ugu muhiimsan dalka waa soo celinta amniga"

"Waxaa il xumo noogu filan in ciidankeenna ay gaajo u dhintaan, halka ciimadanka AMISOM ay tufaax ku dharag-dhacsadaan" ayay si qiiro leh u tiri Xaliimo Yarey.

Waxaa kale oo iyana ka hadashay Zahra Maxamed Axmed oo ka mid ah haweenka ka shaqeeya horumarinta aadanaha iyo arrimaha bini'aadanimada "Aqoontiina wadanka kula soo laabta, ma jirto wax badan oo  dad ajinib ah ay na tari karaan, haddii aynan isku hiillin"

Xildhibaanad Saaqa Aden Maxamed iyo Dr. Idil Maxamed Jaamac ayaa sheegay in dumarka Soomaaliyeed ay ku dulman yihiin hab qeybsiga siyaasadda ee Soomaaliya, waxayna sheegeen in doorashada 2016 ay muhiim tahay in dumarku u diyaar garoobaan.

Wafdigan waxaa hagayay ku xigeen wakiilka Soomaaliya ee qaramada midoobay Ambassador Ciid Bedel Maxamed

Xunbaha Jaaliyadda ee wafdigan soo dhaweeyay waxa ka mid ahaa agaasimaha Somcare Cabdi Maaxaay, Jabriil Afyare, Cadar Kaahin iyo Ubax Dhiblaawe.

Faarax Blue, Hiiraan Online
[email protected]  
Minneapolis, Minnesota